Budhcad Is-Xilqaantay!

Maxbuus Hore Oo Hogaamiya Budhcada Johannesburg Oo Shaqaaleeyey 258 Maafiya Ah

Johannesburg, South Africa, (HCTV) – Joe Slovo Drive waa halka laga galo magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika. Waxaanay kugu hogaaminaysaa Isgoyska iyo jidadka farabadan ee Magaalada. Sanado badan waxa ka dhacayey Dambiyo.

Waxaanay dadku ahaayeen kuwo ku baraarugsan “dhaca, qafaalashada, wax Jabsashada” dambiilayaashu geystaan, oo xataa jabsanayeen baabuurka dadku wataan iyagoo ku qabanaya qori si ay ugu afduubtaan gaadiidkooda ama ay xadaan dadka lugaynaya.

Waxaanay dad badan ku kaliftay inay gabi ahaanba ka caagaan wadooyinka, markii ay samaysmeen shabakad isku xidhan oo ku xididaystay caasimada.

Isgoysyada maanta waxay kooxahani u joogaan ilaalinta badbaadada iyo kala hagida isgoysada – laba nin oo ku labisan Shaadhadh iyo Tayyo, sitana jeedal iyo sun taariikh ahaan loo isticmaali jiray Adoomadii Malay, oo ay u adeegsan Voortrekkers, si ay u socdaan ayaa intaa ka dibna noqotayba Calaamada Bileysii apartheid-ka. Dhawaanahana waxaaba loo adeegsan jiray in loo isticmaalo isku soo baxyada iyo rabshadaha Ardayda.

Inkastoo uu yahay hub lagu kala aragti duwan yahay, ayaa hadana sidashada rag mar soo ahaan jiray dambiilayaal – dambiyana ka samayn jiay isgoysyada.

Captain Munyai oo ka tirsan Saldhiga Bileyska ee Jeppe Police Station ayaa sheegay in mudo dheer hada laga joogo shilal iyo filal lagu soo wargaliyo xarunta Bileyska.

“Intii ay halkan joogeen, shilalka iyo wax xadidu aadbay u yaraadeen. Heerka Dambiyaduna hada aadbay u yar yihiin,”

Inkastoo dambiyadii ay hoos u dhaceen, sarkaalku waxa uu dhinac iska dhigay inuu iyaga waydiiyo “Cida leh shirkadan? Iyo cida ay warbixinta siiyaanba?”

Collin Khumalo waxa uu ahaa mid horkaca qorshayaasha lagu nadiifinayo meel ahaan jirtay halka dambiyada ugu khatarsan ee Johannesburg.

Sanadkii 1995-kii, waxa lagu xukumay 45 sano oo xabsi kadib markii lagu eedeeyey Dil iyo Dhac, waxaanu sumcad ku dhex lahaa budhcada xabsiga kula xidhan.

Waxa uu fadhiyaa xafiiskiisa magaalada ugu weyn dalka Koonfur Afrika, shan sano ka dib sii dayntiisa, waxa uu sheegay “Marka aad budhcada ku jiro waxaad noqonaysaa habayac, cidna ma jeclaanaysid, cidna uma haynaysid wax asxaan ah. Balse marka aad xorta tahay, anigu inaan la dagaalamo cid way ahayd, hadii aanan taa samayn, caadiba maan noqon jirin.”

Xarunta Dhaqan Celinta ee Kutama Sinthumule, ayay budhcadu u isticmaalaan meel ay hada ku yeeshaan kulamo diimeedka, waxaanay fursad u siisay inay halkaasi ku kala qaataan amarada isla markaana ay kulak ala wareegaan hubka.

Inkastoo 2001-kii uu la kulmay Sheekh, kaas oo uu sheegay inuu jabiyey xayndaabkii ku xeeranaa…. Oo uu isaga tusay in Bani’aadamku ay jeclaan karaan bani’aadamka kale. Waxaanu sheegay inuu xasuusto oo uu ka fikiro taasi waxaanu sheegay inuu sidaasi ku sameeyey isbadalka.”

“Waxaan u sheegay iyaga oo aan ku idhi, waaryaadhaheen hadii aad idilaysaan idila, balse anigu idinku soo noqon maayo.”

Balse sanado uu baaqi ku sii ahaa Xabsiga, waxa uu ku sii xidhnaa goob diimeedka iyo waxbarashada oo ay sameeyeen guddi loogu yeedho Fear Free Life, “.

Waxaanu qortay oo uu mooraal u sameeyey dhalinyaro, kuwaas oo uu fahamsiiyey waxa ay tahay budhcad-nimadu, iyo sida looga baxo budhcada ee loola qabsado qaabka nolosha saxda ah.

Waxaana markii uu hadal ka jeediyey barnaamijka xabsiga  ee Fear Free Life, fasaladu ay ka bilaabmeen uu u jeediyey hadalo ididiilo u abuuraya dhalinyarada ay mushkiladuhu dariska la yihiin.

Axmed Cali Cige,
HORN CABLE TV.