Daadad Khasaare Gaadhsiiyey Iran Iyo Dawlada Oo Ku Baaqday Inaan Gobolada Loo Kala Safrin

Shiraz, Iran, (HCTV) – Qulqulka Daadad xoog leh oo uu soo rogay Roobab ka da’ay Koonfurta Shiraz iyo qaybo ka mid ah Galbeedka dalka Iran, ayay ku dhinteen 19 qof halka dhaawacyo iyo waxyeelooyin kale ay ka soo gaadheen 100 qof oo kale.

Dawlada Dalka Iran ayaa dadka dalkaasi ku boorisay inay joojiyaan safarka ay ugu kala gooshayaan gobolada kala duwan ee dalka xiligan, waxaanay ka digtay roobab farabadani inay jiraan, sida ay baahisay maanta wakaalada Wararka ee Fars News Agency.

Wasiirka Arimaha Gudaha ee dalka Iran ayaa isaguna kula taliyey dadka Iiraaniyiinta ah in aanay safaro bixin oo ay si xoogan u qaataan digniinaha Ururka Maamulka Masiibooyinka uu soo saarayo ee uu fariimaha qoraalka ah ugu soo dirayo.

Daadadkan Dhibaatooyinku ka dhasheen ayaa ku soo beegmaya xiligan lagu gudo jiro Sanadka Cusub ee Iraniyiinta ee Nowruz  oo lagu gudo jiro fasaxyo dad badanina ay u socdaalayaan eheladooda deegaamada kala duwan ee dalkaasi ku nool.

“Roobab laba meelood ka da’ay 15 daqiiqo oo kaliya ayaa soo rogay daadad farabadan oo ku fiday magaalada, waxyeelana gaadhsiiyey, sidaasi waxa yidhi qof degan magaalada Shiraz oo si xun daadadku ay u saameeyeen magaalada.

Axmed Cali Cige

HORN CABLE TV.