Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Kulamo La Yeeshay Madaxda Magaalada Turku Ee Dalka Finland

Turku, (HCTV) – Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo booqasho ku tegey caasimadda labaad ee dalka Finland ee TURKU, ayaa kulamo shalay la yeeshay madaxda magaalada Turku oo ay wada-shaqayn fiican leeyiin, Madaxdaasi oo ka koobnayd sadexda xisbi ee golaha deegaanka ´magaalada Turku ee xisbiyada National Coalition Party, Social Democratic party and Greens party.
Waxaana masuuliyiinta uu Gudoomiye Ciro uu la kulmay ka mid ah Gudoomiyaha Golaha deegaanka ee Magaalada Turku ee dalka Finland, Duqa Magaalada Turku Finland, Minna Arve iyo Gudoomiye ku xigeenka golaha deegaanka ee Turku , Finland Seppo Lehtinen, kuwaas oo si buuxda ugu sharaxay Golaha Baarlamaanka ee Finland doorashda bisha April ee sanadkan.

Kulamadaas Gudoomiyaha xisbiga Waddani iyo Masuuliyiinta magaalada Turku dhex maray ayaa waxa kale oo goobjoog ka ahaa xildhibaan Roda oo xubin ka ah golaha deegaanka Turku iyo xubin guddida fulinta maamulka magaalad Turku.
Waxaana gudoomiyahaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro uga mahad naqay madaxdan oo qaarkood hore Somaliland u yimaadeen isla markaana xaalada Somaliland aad ula socda, sida joogtada ah ee ay ula garab joogaan taageerda dalkooda Finland u fidiyo Somaliland. Iyadoo Finland ay kaalmo badan u fidiso Somaliland oo ay ka mid yihiin mashaariicda caafimaadka ee FINNSOM iyo kuwa TB-da ee Somaliland laga fuliyo.
Kulankan mahadnaqa iyo is waraysiga isugu jiray waxuu ku soo gebogeboobay in Magaalada Turku ay sii wadi doonto taageerada ay Somaliland u fidiso.