Hargeysa: Masuuliyiin Isku degaan Ah Oo La Shiray Wasiir Musuq Loo Haysto

Hargeysa (HCTV) – Wasiirrada Wasaaradaha Biyaha, Hawlaha guud, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Wasiirka gaashaandhigga iyo Xildhibaanno ka soo jeeda Gobollada Sool iyo Sanaag, ayaa Maanta kulan gaar ah ku yeeshay Xarunta Golaha Wakiillada ee Hargeysa.

Kulankan ayaan la ogayn rasmi ahaan waxa lagaga wada-hadlay, laakiin ilo-wareedyo kala duwan ayaa sheegay in Masuuliyiinta ku jira Dawladda Somaliland ee ka soo jeeda Gobollada Barigu ay isku yimaaddeen sidii loo furdaamin lahaa Musuqmaasuq uu Hanti-dhowrku ku eedeeyay Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Mr. Ciise Xawar.

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo ka mid ahaa xubnaha ka qayb-galay kulankan oo ka dhacay Xarunta Golaha Wakiillada, ayaa Saxaafadda u sheegay inay ka wada-hadleen danahooda Beelahooda, waxaanu yidhi “Reer baanu ahayn Danahooga ka shiraya, Arrin Dawladeed ma ahyn Maanta ee mid Qabiil bay ahayd, maalmaha qaar waanu shirnaa, maalmaha qaarkood waanu cibaadaysannaa, laakiin Maanta danahayaga ayaanu ka shiraynay.”

Xildhibaanka oo la waydiiyey in kulankoodu daarranaa in la furmaadiyo Musuqmaasuqa loo haysto Wasiirka Gaashaandhigga “Meelo wax laga cunaba marka horeba la nama geynin, meelaha wax yaallaan baa wax laga cunaa, mid wax laga cunaba ma joogno, markaa waa been Warkaasi (in Wasiirka gaashaandhigu musuq sameeyay)…”ayuu yidhi.

 

HCTV News Desk