Saddexda Baasaaboor Ee Ugu Awood Badan Dunida oo La Shaaciyay.

Image result for passports

Wabixin ay daabacday xarunta “Henly Passport Index” oo ah xarun la la socota xogta Baasaboorada dunida oo soo xiganaysa macluumaadka hay’adda AITA, ayaa soo bandhigtay sida ay ukala awood badan yihiin Baasaboorada dunida sanadkan 2019.
wadamada Japan,Singapore iyo kuuriyada Koonfureed, ayaa wada kaalinta koobaad ee wadamada baasabooradoodu ugu awoodda badan yihiin caalamka.
warbixinta ayaa tibaaxaysa 10-ka kaalmood ee ugu sareeya, dalalka qiimaynta lagu sameeyay
Cilmibaadhista lagu sameeyay Baasaboorada ayaa lagu sameeyay 187 wadan iyadoo la tixgaliyay, laba arrimood oo asaasi ah, kuwaasi oo kala ah:-

tirada wadamada ogol in qofka baasaboorkaasi wataa uu kusoo galo Dal ku gal la’aan (Visa Free)

Tirada wadamada u ogol inay Dal ku galka ay siiyaan marka usoo gaadho Xadkooda(Visa on Arrival).

Xogta Kala Saraynta Awoodda Baasaboorada dunida ee la shaaciyay ayaa u dhigan sidan.

1-Japan,Singapore iyo kuuriyada Koonfureed.
2-Jarmalka
3-Faransiiska,Denmark,talyaaniga,findland iyo sweden.
4-luxembourg iyo spain
5-Austeria,Netherlands,Norway,Portugal,Switzerland iyo Ingiriiska.
6-Maraykanka,Beljamka,Canada,Giriigga iyo Ireland
7-jamhuuriyadda jeegga (Czech Republic)
8-Malta
9-Australia,Iceland iyo New Zealand.
10-Hungary, Latvia, Lithuania, Slovakia, iyo Slovenia
Baasaboorada Wamada Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa liiska ka galay Meel ka hosaysa Halkii ay kaga jireen sanadihii Hore.
marka la Eego Dhinaca Uk,waxaa loo aanaynayaa culayska dawladda ingiriiska ka haysta ka bixitaanka Midawga yurub (Briexit)
Cabdishakuur Dayib Maxamed
HORN CABLE TV .