Baarlamaanka Yurub Oo Sharci Ka Soo Saaray Warbaahinta Internet-ka

Hargeysa (HCTV) – Baarlamaanka Dalalka Midowga Yurub, ayaa Salaasadii Shalay meel-mariyey Sharci lagu ilaalinayo  ‘Xuquuqda lahaanshiyaha gaarka ah (Copy Right) ee waxyaabaha lagu baahiyo Hay’adaha Warbaahineed ee Internet-ka.

Sharcigan ayaa meesha ka saaraya in Muuqaallo isku mid ah lagu baahiyo Internet-ka, hadda ka dibna waxa Shirkadaha ay Youtube ka mid tahay ku khasbannaan doonaan inay xil iska saaraan in muuqaal (Video) uu Qof soo geliyey Internet-ka inaan la xadin oo aan mar kale la soo gelin.

Baarlaamaanka Yurub ayaa ansxiyey wax ka beddel lagu sameeyay qodobka 13 oo ka hadlaya in shirkadaha Warbaahineed ee Internet-ku ka masuul yihiin waxyaabaha lagu baahiyo, isla-markaana xaq loogu leeyahay inay ilaaliyaan lanaashiyaha gaarka ah iyo qodobka 11 oo isna dhigaya in Mareegaha Internet-ka ee baadhitaannada loo adeegsado, sida Google inay kharash ku bixiyaan Bogagga wararka ee ay Xidhiidhadooda adeegsadaan (Links).

Sharcigan oo culays badan ku keeni doono Dad badan oo iyagoo fadhiya Lacag ka samayn jiray Muuqaallo ay Warbaahin kale kala baxeen, ayaa sidoo kale wuxuu fursad siinayaa Dadka Muuqaallada duuba ee sida joogtada ah arrimahaa uga shaqeeya.

Laakiin, illaa hadda waxa si guud loo wada adeegsan karaa Sawirrada iyo Qoraallada mar la baahiyey, halka Muuqaalladu khalad ka noqon doonaan, marka Sharcigan la ansixiyey la dhaqan-geliyo ee Dawladaha Yurub ka shaqaysiiyaan.

Sharciga oo dood badan abuuray, ayaa Xisbiyada Dalalka Yurub qaarkood oo Xubno ku leh Baarlamaanku cambaareeyeen, iyagoo ku sheegay inuu caqabad ku noqon doono doorka Warbaahinta iyo Bogagta Internet-ku ka qaataan isku xidhnaanshaha Bulshada Adduunka, halka Dad kalena ku sheegeen in Sharcigani hoos u dhigayo Xorriyadda Saxaafadda, faaf-reebna ku yahay.

 

HORN CABLE TV