Hindiya Oo Ku Guulaysatay Tijaabada Gantaal Casriya Oo Hawada Sare Ku Burburiya Dayax-Gacmeedada

New Delhi, (HCTV) – Dalka Hindiya ayaa ku guulaystay inay tijaabiso Gantaal awood u leh inuu dhulka soo dhigay Dayax-Gacmeedyada ku sugan Hawada, waxaanu hawlgalka lagu tijaabiyey Gantaalkan cusub ee casriga ahi uu dhulka soo dhigay Dayax-gameed ku sugnaa Hawada Sare, sida uu maanta ku dhawaaqay Raysal Wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi.

Hawlgal loogu magac daray Shakti, ayaa dalkan ka dhigaya dalka afraad ee awooda u leh inuu dayax-gaccmeedyada soo rido oo uu ku biiro dalalkii kootada ku haystay ee Maraykanka, Ruushka iyo Shiinaha.

Dhawaaqan Raysal Wasaaraha dalka Hindiya ayaa imanaya todobaado ka dib khilaaf xadka ah oo u dhexeeya dalalka Hindiya iyo Pakistan oo mudo ku muransanaa Xadka ay wadaagaan Kashmir.

“Tignoolajiyadan cusub ma hogaamiso oo kaliya wadan gaar ah” ayuu yidhi Raysal wasaaraha dalka India Narendra Modi oo khudbad u jeediyey shacabka dalkiisa.

Bartilmaameedka Tijaabada Gantaalkan dalka Hindiya uu Tijaabiyey ayaa ka dhacday xarunta Dayax-Gacmeedada oo ay ku leeyihiin Hawada Sare.

Dhinaca kale Dalka Hindiya ayaa wakhti xaadirkan isu diyaarinaysa in dalkaasi ay ka dhacaan doorashooyin, waxaana la filayaa in todobaado yar kadib ay furmaan goobaha codbixintu.

Hase yeeshee dhawaaqyada noocan ah ayaa sharci daro ka dhigaya marka loo eego sharciga dalka Hindiyana in dawladu ay samayso dhawaaq siyaasiya oo cod lagu raadinayo si loo guulaysto.

 

Axmed Cali Cige

Horn Cable TV.