Somaliland: Agaasime U Shaqo Tagay Xafiiskiisii Oo Hanti-dhowrku Xidhay

Hargeyss (HCTV) – Ciidammada Booliiska ayaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Hawlaha guud iyo Guryeynta u diiday inuu gudaha u galo Xafiiskiisa.

Ciidammada Amniga oo ku shaqaynaya amar ka soo baxay Hanti-dhowrka Qaranka oo maalmihii u dambeeyay baadhitaan ka waday Wasaaradda hawlaha guud, gaar ahaan Xafiisyo uu ku jiro ka Agaasimaha guud, ayaa Agaasime Cilmi Cabdiraxmaam Cashuur u diiday inuu gudaha u galo Xafiiskiisa.

Ilo-wareedyo muhiim ah ayaa Telefiishanka HCTV u sheegay in Hanti-dhowrku ay Toddobaadkan gudihiisa Albaabbada u xidheen Saddex Xafiis oo ka mid ah Wasaaradda Hawlaha guud, kaasi oo uu ku jiro Xafiiska Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi, waxaana Askar cusub oo la dhigay Wasaaraddda hawlaha guud lagu amray in aanay Xafiisyada la xidhay Cidna u siidaynin, laakiin Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi oo aan la ogayn inuu ogaa baadhitaanka laga Wado Xafiiskiisa iyo in kale ayaa la sheegay in isaga oo shaqo tag ah uu tagay Wasaaradda hawlaha guud, laakiin waxa la weriyey in Ciidammada amnigu u diideen inuu furto oo uu galo Xafiiskiisa, illaa inta baadhitaanku dhammaanayo.

Hanti-dhowrka guud ee Somaliland ayaa Bilihii u dambeeyay baadhitaano ka sameeyay Wasaarado badan, waxaana illaa hadda musuqmaasuq loo xidhay laba Masuul oo kala ah Agaasimihii guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Agaasimihii Maamulka iyo Lacagta ee Wasaaddaasi, kuwaasi oo dhawaan damiin lagu sii daayey.

Sidoo kale, waxa Dacwado Musuqmaasuq loo haystaa Wasiirrada Wasaaradaha Gaashaandhigga Md. Ciise Xawar iyo Warfaafinta Md. Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo, kuwaasi oo Dacwaddoodu hor-taallo Xeer ilaalinta, lagana sugayo inay u gudbiyaan Maxkamadda awoodda leh inay kiisaskooda go’aan ka gaadho.

 

Horn Cable Tv