“Waanu Ka Garaabaynaa Tabashooyinka Reer Somaliland..” Farmaajo

Muqdisho (HCTV) – Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa sheegay in Maamulkiisu ka shaqaynayo sidii loo adkayn lahaa Midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo oo Maanta khudbad u jeediyey Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo uu kal-fadhigoodu u furay, ayaa khudbaddiisa ku soo hadal-qaaday Somaliland, waxaanu sheegay in Dawladda Soomaaliya ka garaabayso dhibaatooyinka Shacabka Somaliland ka sheegtaan Soomaaliya, si loo ilaaliyo ayuu yidhi midnimada Soomaaliya

Mudane Farmaajo oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Somaliland waa Dad Walaalaheen oo aynu jecel nahay oo aynaan kala maarmin, waxaanu dedaal dheeraad ah ku bixinaynaa Midnimada iyo Wada-jirka ummadda Soomaaliyeed, si aanu uga baxno dhibaatada Ummadda Soomaaliyeed ku jirto.”

Madaxweyne Farmaajo waxa kale oo uu sheegay “Waxaanu diyaar u nahay inaanu si waafi ah uga garowno Tabashada Walaalaheena reer Somaliland.”ayuu yidhi

Hadalka Farmaajo ayaa ku soo beegmaya xilli la hadal-hayo in Wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ay dib u bilaabmayaan.

 

HORN CABLE TV