Somaliland: Qaylo-dhaanta Abaareed Oo Marba Gobol Ka Soo Yeedhaysa

Hawd (HCTV) – Xaalad Abaareed oo adag baa ka jirta degaannada Gobolka Hawd ee Somaliland, sida uu sheegay Maamulka Gobolkaasi.

Dadka xoolo dhaqatada ah ee degaannada Gobolka Hawd, ayaa iyaga iyo xoolahoodiiba waajahayaan xaalad nololeed ee Adag, waxayna u baahan yihiin gurmad deg-deg ah.

Badhasaabka Gobolka Hawd, Yaasiin Maxamed Shide oo Maanta kormeer ku soo maray deegaanno badan oo ka mid ah Gobolkaasi ayaa faahfaahiyey xaaladda ay ku jiraan Dadka Abaartu saamaysey, kuwaasi oo baahida ugu weyn ee ay haysaa tahay biyo, maaddaama oo ay dhamaadeen biyihii ugu jiray Baraaguhu.

Guddoomiye Yaasiin Maxamed Shide oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Gobolka Hawd, marka laga soo bilaabo degmada Sayla illaa Degmada Balli-cabbane, Gumburaha illaa Baligubadle oo aanu joogno, waxa saamaysay biyo la’aan, wax biyo ah oo lagu hayaana ma jiraan, markaa haddii Xaaladdu sidan ku sii socoto Dadku way bakhtiyayaan.”

Gobolka Hawd oo keliya maaha, balse Gobollo badan oo ka mid ah Somaliland, ayaa Toddobaadyadii u dambeeyay waxa ka imanayey qaylo-dhaan, taasi oo ay Dadweynaha Xoolo-dhaqatada ahi ku dalbanayaan in biyo lala gaadho.

Degaannada biyo la’aantu ka jirto ee Ceelashii gudheen waxa ka mid ah degaanno ka mid ah Gobolka Sanaag, Sool, Saaxil, Togdheer iyo meelo ka mid ah Gobolka Maroodi-jeex.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqay in Dalka galay Xaalad abaareed isla-markaana Biyo dhaamis loo samaynayo Dadka Xoolo dhaqatada ah.

 

 

HORN CABLE TV