Tahriibayaal Afduubay Markab Iyo Wararkii U Dambeeyay

Malta (HCTV) – Tahriibayaal Afrikaan ah ayaa Afduubay Markab nooca Shidaalka Qaada ah, ka dib markii uu bedbaadiyey Tahriibayaashaasi.

Tahriibayaashan oo ka baqayey in lagu celiyo Xabsiyada Dalka Liibiya oo qaarkood muddo ku xidhnaayeen, ayaa waxay Afduubeen Markab nooca Shidaalka qaada ah, si ay ugu gaadhaan halkaa safarkoodu ku waajahnaa.

Laakiin, Ciidammada sida gaarka ah u tababbaran ee Jaziirradda Malta ayaa Markabkaasi soo bedbaadiyey isla-markaana ku soo xidhay Mid ka mid ah Dekedaha Malta.

Ciidammada Malta markaa ka dib gacanta ku dhigay Afar Qof oo tahriibayaal ah oo lagu tuhunsan yahay in ay afduubeen Markabka.

Weriye Tripoli uga soo warrama Telefiishanka Aljazeera oo HCTV uu Warkan ka soo xigtay ayaa sheegay in Dadka lagu eedeeyay inay Markabka Afduubeen ay markii horeba Markabka la socdeen isla-markaana ay ka baqayeen in Markabku uu dib ugu celiyo Liibiya “Waxaa na loogu sheegay in Tahriibayaasha ay saarnaayeen Markabka oo ay ka baqayeen in lagu soo celiyo xabsiyada Liibiya..”

 

HORN CABLE TV