Su’aalihii Ugu Adkaa Ee La Waydiiyey Maxamuud Xaashi Iyo Jawaabihii Uu Ka Bixiyey

Hargeysa (HCTV) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka jawaabay su’aalo laga waydiiyey heshiisyo uu ka mid yahay Saldhigga Ciidan ee Dawladda Imaaraadku ka samaysatay Berbera, kaasi oo ay heshiiskiisa ka gashay Xukuumaddii Siilaanyo oo uu ka mid ahaa.

Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay marti-qaaday Xarunta CPA ee fallanqaynta siyaasadda, ayaa waxa kale oo uu ka jawaabay su’aalo laga waydiiyey dareen diidmo ah oo Dadweynuhu ku qaabileen markii lagu Cawayska CPA, iyagoo dadweynuhu ku eedeynayey inuu musuqmaasuq geystay intii ay xilka haysay Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo.

Maxamuud Xaashi oo ugu horreyn ka Jawaabaya su’aal laga waydiiyey dareenka Diidmada ah ee Dadweynuhu ku muujiyeen markii Xarunta CPA ku marti-qaaday inuu ka hadlo isbeddellada siyaasadda, ayaa yidhi  “Qaylada baraha bulshada waan la socdaa nin xuna ma ihi, in badana way i dhaliilaysay in badan way i difaacaysay, taasina waxay muujinaysaa inaan ahay siyaasi saamayn leh”

Masuulkan hore kale oo uu sheegay in markii Xukuumaddii Siilaanyo bixisay Saldhigga Milletari ee Berbera ay Itoobiya Walaac ka muujisay, balse Dawladda Imaaraadku ka qancisay Itoobiya walaaca amni ee ay qabtay, ka dib markii ay Somaliland UAE ka dalbatay inuu dejiyo dareenka Itoobiya ay ka qaadatay saldhiga Berebra.

Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland oo la waydiiyey in Guddiga Golaha ammaanka qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka Cunaqabataynta Hubka ee Soomaaliya ay Saldhigga Milletari ee Berbera laga siiyey Imaaraadku ay sharci-darro ah isla-markaana Baarlamaanka Somaliland ku ansixiyey lacag, ayaa ku jawaabay “Saldhigyo Milletari ayaa Maalin walba laga bixiyaa Dalalka Geeska Afrika, mid Baarlamaan la geeyay ma jiro, mid laba aqal Baarlamaan la geeyayna ma jiro, Maxay kuwaa uga hadli waayeen Guddiga Guddiga Kormeerka ee Qaramada Midoobay, waxaynu nahay Dalka keliya ee markii uu Saldhigga Milletari bixinayey iskugu yeedhay labada Aqal ee Baarlamaanka, marka la leeyahay labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa Lacag ku codeeyay, Caqligeena ayaa la caayayaa.”

Xaashi waxa kale oo uu sheegay in Saldhigga Milletari aan Imaaraadka lagaga kirayn lacag kaash ah, balse ay Somaliland kaga beddelatay Mashaariic loo hirgelinayo “Waxay inoogu beddelayaan Mashaariic horumarineed oo Saldhiggeena Kiradiisiiya, Kaash maaha ee waa Mashaariic, heshiiskana arrintaasina si cad ayay ugu caddahay..:” ayuu yidhi, Maxamuud Xaashi Cabdi

 

HORN CABLE TV