Sucuudiga Oo Siidaayey Haween Xadhiggooda Reer Galbeedku Isha Ku Hayey

Riyaadh (HCTV) – Dawladda Boqortooyada Sucuudiga ayaa Xabsga ka sii daysay Saddex Dumar ah oo ka mid ah kuwa u dhaqdhaqaaqa Xuquuqda dumarka, kuwaasi oo muddo sannad ku dhow lagu hayey Xabsiga, sida ay baahisay Warbaahinta Sucuudigu.

Warbaahinta Dawladdu ma sheegin Magacyada Haweenka Xabsiga laga siidaayey, laakiin Warar ay daabaceen Warbaahin uu Wargeyska SPA ka mid yahay, ayaa waxa lagu sheegayn in haweenka la siidaayey ay kala yihiin Rokaya al-Mohareb, Eman al-Nafjan iyo , Aziza al-Youssef oo ah  macalimad hawlgab ka ah Jaamacadda King Saud.

Haweenkan oo xadhiggooda ay isha ku hayeen Dawladaha reer Galbeedka isla-markaana muddo dheer dedaal ugu jiray in la siidaayo, ayaa Sucuudigu si ku meel-gaadh ah u siidaayey Khamiistii Shalay, ka dib markii Arbacadii ka horreysay la dhegaystay Dacwadooda, iyadoo Dadka doodayaa sheegayaa in Haweenkan intii ay Xabsiga ku jireen loo geystay jidh-dil iyo Faro-xumayn.

Maxkamaddii dhageysatay Dacwadda loo haysto Haweenkan ayaa loo diiday inay ka qayb-galaan Warbaahinta iyo Hay’adaha Xuquuqda Aadamaha u dooda.

Laga soo bilaabo bishii May ee sannadkii hor, waxa Sucuudiga lagu xidhay illaa 11 Qof oo u dooda xuquuqda Aadamaha iyo Dad kale oo u ololeeya horumarinta Bulshada.

Laakiin, taa waxa barbar socda in Sucuudigu ogolaaday in Haweenka Gaadiidka kaxaysan karaan, Meelo lagu daawado Ciyaaraha oo la furay iyo Masraxyo ay Fanaaniintu ka heesaan, waxaana tallaabooyinkaas oo dhan qaaday Dhaxal-sugaha koowaad ee Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan.

 

HORN CABLE TV