Laascaanood Oo Lagu Rakibayo 70 Tabeellooyin Laydhka Cadceedda Ah (Sollar)

Laascaanood (HCTV) – Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland ayaa Magaalada Laascaanood ka hirgelinaysa 70 midh oo ah Tabeellooyinka Xambaarsan Laydhka Sollarka ah ama Cadceedda laga dhaliyo.

Munaasibad lagu daah-furay Mashruucan oo Magaalada Muhiim ah isla-markaana wejigii labaad ee halkaa laga hirgelinayo, ayaa waxa ka qayb-galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Cabdiraxmaan Abdeeq, waxaanu faahfaahiyey ahmiyadda mashruucani u leeyahay Laascaanood, waxaanu yidhi  “Waxaanu Maanta wadnaa agabka soollarka oo lagu rakibayo magaalada iyo agabkii lagu dayactiri lahaa kuwii hore ee wixii ka xumaaday” sidaa waxaa yidhi Agaasimaha Guud ee wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Cabdiraxmaan Abdeed, isagoo u soo jeediyey Maamulka Laascaanood inay xil iska saaraan daryeelka iyo ilaalinta Qalabkaasi.

Maayarka Laascaanood oo isaguna Munaasibaddan ka hadlay ayaa sheegay in Dawladda hoose ay baahi u qabtay Qalabkan Sollarka, kaasi oo marka lagu  Rakibo 70-ka Tabbeelo si wanaagsan Waddooyinka Magaalada u iftiimin doona, isla-markaana amniga wax weyn ka tari doona.

 

HORN CABLE TV