“Gaadiidka Lagu Soo Qabto Khamri Waa Lala Wareegayaa” Taliyaha Bileyska G/Sanaag

Ceerigaabo, (HCTV) – Taliyaha Ciidamada Bileyska ee Gobolka Sanaag, Gaashaanle Sare Cabdirisaaq Maxamed Faarax oo waraysi gaar ah siiyey Telefishanka HCTV ayaa ka hadlay xaaladda nabadgalyo ee gobolka Sanaag uu xiligan ku sugan yahay, waxaanu taliyuhu digniin ka soo saaray mukhaadaraadka khamriga, isagoo sheegay Taliyuhu in lala wareegi doono gaadiidka lagu qabto Khamriga.

Waxa kale oo taliyaha Ciidamada Bileyska ee Gobolka Sanaag uu ka waramay hawlgalo ciidamada Bileysku ay ka sameeyeen gudaha magaalada Ceerigaabo oo ay ku soo qabteen dhalinyaro aad u tiro badan, waxaanu taliyuhu fariin u diray guud ahaanba bulshada gobolka iyo waalidiinta sidii dhalinyaradaasi loo xakamayn lahaa, isla markaana loo wacyigalin lahaa.

Taliyaha Ciidamada Bileyska ee gobolka Sanaag Gaashaanle Sare Cabdirisaaq Maxamed Faarax isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Baryahan dambe, intaas oo jeer ayaad aragteen iyadoo la jajabinayo ama la gubayo oo gaadiid iyo dadba lagu soo xidhayo maandooriyaha Khamriga, kastoo dhinmay ama yaraaday wali waxbaa ka sii jira. Shacabka reer Sanaag meel kasta oo uu joogaba waxaanka codsanaynaa, Nafsadadaa  ay gacan buuxda ku bixiyaan oo ciidamada amniga ay kala shaqeeyaan dadkaa wali ku hawlan dhibaatadaa iyo inay dadka aafeeyaan, ee balaayadaa keenaya ee dhulka fog ka soo waaridaya.

Marka hore waanu wa wacdiyeynaa oo waxaanu leenahay waar Illaahay usoo noqda oo illaahay u toobad keena oo ummadda dhibka ka daaya, wixii intaa ka baxsan ee ka waantoobi waayana Ciidamadu waxay amran yihiin oo ay diyaar u yihiin suulinta mafsadada Khamriga, shacabka, culimada, cid kasta waxa aanu ka codsanaynaa in meel looga soo wada jeesto oo mafsadadaa gacan buuxda nalaga siiyo, hawlgalkeeduna wuu socdaa. Waliba waxaanu aad uga digaynaa gaadiidka lagu qabto Khamriga, Awal waa la ganaaxi jiray, arintaa ganaax dambe kama jirayo, gaadiidka lagu soo qabto Khamri Waa Lala Wareegayaa, Ciidamada Amniga ayaa la wareegaya,” ayuu yidhi Taliyaha Ciidamada Bileyska ee Gobolka Sanaag, Gaashaanle Sare Cabdirisaaq Maxamed Faarax.

HORN CABLE TV.