Madaxweynaha Algeria Oo Magacaabay Gole Wasiiro Oo Cusub

Alger’s, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Algeria Abdelaziz Bouteflika ayaa sameeyey isku shaandhayn cusub, inkastoo Madaxweynuhu aanu xilka ka qaadin Taliyaha guud ee ciidamada iyo ku xigeenka Wasiirka Gaashaandhiga.

Telefishanka dalka Algeria ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu Wasiirka Arimaha dibada ee dalkaasi uu u magacaabay Sabri Boukadoum oo badali doona Ramtane Lamamra oo isagu xilkaasi qabtay mudo bil ka hor ah.

Sidoo kale Isku shaandhayntan Madaxweyne Bouteflika ayaa lagu sheegay in Gudoomiyihii Bangiga Dhexe ee dalkaasi Mohamed Loukal la badalay, halka Mohamed Arkab loo magacaabay Wasiirka Tamarta iyo Maaliyada.

Dhinaca kale dalka Algeria ayaa waxa ka dhacay dibadbaxyo balaadhan oo dalkaasi gilgilay oo lagaga soo horjeeday Madaxweynahan xanuunsanaya ee 82 jirka ah, kaas oo lagu waday inuu maanta ku dhawaaqo is-casilaadiisa.

HORN CABLE TV