Manhajka Waxbarashada Somaliland Oo Lagu Darayo Barashada Dastuurka

HomeSomali News

Manhajka Waxbarashada Somaliland Oo Lagu Darayo Barashada Dastuurka

Puntland: Madaxweyne Deni Oo Madaxda Dawladda Dhexe Uga Digay Muddo Korodhsi
Soomaaliya: Ciidammada Soomaaliya Oo Toddobaad Gudihii Ku Dilay 50 Al-shabaab Ah
Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Xiliga La Qaadayo Imtixaanka Shahaadiga Ah Ee Dugsiyada Dalka
Yemen: 70 Askari Oo Lagu Dilay Gantaal Lala Beegsaday Xero Lagu Tababarayey Milatari
Afrika: Madaxweyne Xafiiskiisii Uga Guuray Masas

Hargeysa (HCTV) – Xukuumadda Somaliland ayaa doonaysa in Manhajka Waxbarashada lagu daro Barashada Dastuurka, si taa loo hirgelinaya waxa heshiis kala saxeexday Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasaaradda Dastuurka oo meel-marinta arrintan ka wada shaqaynaya.

Munaasibadda heshiiska ay ku kala saxeexdeen labada laba Wasaaradood waxa ugu horreyn hadal ka soo jeediyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Dastuurka Maxamed Xuseen Dhabbeeye oo Doraad uu Madaxweynaha Somaliland xilka ka qaaday, balse aan weli xilka wareejin, waxaanu sharraxayaa heshiiska labada Wasaaradood kala saxeexdeen, waxaanu yidhi “Halkan waxaynu ku soo bandhigaynaa heshiis isfaham ah oo labada Wasaaradood (Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasaaradda Dastuurka) ay muddo ka soo wada shaqaynayeen, kaasi oo ku saabsanaa sidii Manhajka Waxbarashada ee Somaliland in lagu daro Dastuurka oo lagu dhigto Dastuurka..”

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Md. Cismaan Aadan Jaamac oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi  “Barashada Dastuurku Cid walba waa ku waajib, taasina waa waajibka Wasaaradda Waxbarashada, haddana waxa lagu soo kordhiyey Wasaarad ay shaqadeedaba tahay Barashada iyo Ilaalinta Dastuurka, labadaasi markay is kaashadaan wax wanaagsan baa ka soo baxaya..”

Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha iyo Dastuurka Somaliland, Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Maalinba meel ayuu ku marayey, markaa waan ku faraxsanahay inay Maanta ahaato Wakhti ku habboon  in Maanta halkaa la gaadho..”

 

Horn Cable Tv

 

 

 

COMMENTS