Muqdisho: Tobannaan Qof Oo Meel Cunto Ka Wada Cunay Oo Dhakhtar La Dhigay

Muqdisho (HCTV) – 42 Qof, una badan Carruur ayaa ku sumoobay Boorash ay cabbeen Axaddii Shalay.

Dadkan uu ku dhaqan Xeraha Dadka Gudaha ku barakacay ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya, ayaa la dhigay Cisbitaalka guud ee Gobolka Banaadir, si xaaladdooda Caafimaad loola tacaalo.

Dadkan oo qaarkood Miyir doorsoomeen ayaa ka cabanaya Xanuun isku mid ah, sidas Matag, Miyir-beel iyo Jidhka oo korka ka damqanaya.

Dadkan oo Boorash ka wada cunay Goob keliya oo ka mid ah Xeryaha Barakacayaasha, ayaa Cisbitaalka  la dhigay iyagoo miyirkoodu maqan yahay, balse Maanta ayaa Xaaladdoodu ka soo raysay sidii hore, sida Telefiishanka HCTV ka soo xigtay Idaacadda BBC-da.

Nuurto Xasan Xuseen oo ka mid ah Dadka ku xanuunsaday Boorashka ay cabbeen, ayaa ka warrantay sida loo qabtay bilowgii iyada iyo Carruurteeda “Lixdii ayaanu cabnay boorashka, Lixdii iyo Badhkiina waanu xanuunsanay oo Guriga ayaanu jiifsanay, markaas ayuu Ambilaasku na soo qaaday oo uu Cisbitaalka la keenay..” ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay “Faleebo ayaa la nagu xidhay, markaas ayuu Miyirku ii soo noqday..”

Dhakhaatiirka ka hawl-galay bedbaadinta Dadkan ayaa sheegay in Alle ku guuleeyay isla-markaana Dadka xanuunsaday ay Xaaladdoodu hadda wanaagsan tahay.

 

Horn Cable Tv