Sababta Madaxwayne Farmaajo u Furi Waayay Kal-fadhiga Aqalka Sare oo la Ogaaday.

Muqdisho -(HCTV) :- Ra’iisal wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali khayrre ayaa  markii u horaysay Furay Kal-Fadhiga Golaha Aqalka  Sare ee Baarlamanka Soomaliya, iyadoo la filayay sidii caadiga ahayd in Madaxwayne Farmaajo uu furo kal-fadhiga Golaha.

sheegay in sababta madaxwayne maxamed cadilaahi Farmaajo uu maanta uga qayb gali waayay furitaanka Kal-fadhiga Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayuu ku ku sheegay arrimo dhanka ammaanka ah iyo kulamo la xidhiidha oo jira.

mudaneyaasha aqalka sare ayaa qaarkood ayaa abuuray jawi diidanaan ah, iyagoo ku dooday in Ra’iisal wasaaruhu aanu sharci u haysan inuu furo kal-fadhi  gole Baarlamaan, balse uu sharcigu siinayo inuu isugu yeedho oo kaliya.

Si kastaba ha ahaatee RW khayrre, ayaa ku adkaystay in hawshaasi u wakiishay Madaxwayne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, maadaama uu yahay Ra’iisal wasaarihiisii.

ugu dambayn waxaa suuro gashay in Ra’iisal wasaare khayrre ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay kalfadhiga furmay ee aqalka sare ee Baaralamanka Soomaaliya.

HORN CABLE TV.