Salaadiin Iyo Odayaal Xukuumadda Somaliland Uga Digay In Ganacsade Loo Gacan Galiyo Djibouti

Hargeysa, (HCTV) – Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beesha Gobolka Hawd iyo Koonfur-Galbeed ee magaalada Hargeysa ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Hargeysa uga digay xukuumadda Somaliland in ganacsade Axmed Cismaan Geelle loo gacan galiyo dowladda Jabuuti.

Odayaasha Beeshan Gobolka Hawd iyo Koonfur-Galbeed ee magaalada Hargeysa ayaa Sheegay in loo baahan yahay in Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi looga baahan yahay inuu dhug u yeesho arrimo qaar ka mid ah wasaarradihiisu ay ku doonayaan inay ganacsadaha ugu gacan galiyaan dowladda Jabuuti.

Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, Suldaan Barre Xaaji Cilmi, Suldaan Cabdullaahi Leeb iyo Suldaan Saciid Cabdullaahi Jaamac Hariye oo ka mid ahaa Salaadiintii kulankaasi ka hadlay ayaa dhamaantood ku tilmaamay tallaabo keeni karta cawaaqib xumo aan aan wanaagsaneyn haddii aanay xukuumada Somaliland aanay u dhago nuglaan baaqoodan.

“Annaga waxaan is leenahay madaxweynuhu kama dhaga la’a arrimaha ay ka shaqeynayaan Wasaarraddiisa, sidaa daraadeed waan ka digeynaa in arinkan, waxey keeni kartaa in beesha oo idil ay ka fiirsato taageerrada ay u heyso xukuumadda’’ ayeey ku sheegeen shirkooda jaraa’id.

Shirka jaraa’id ee odayasha ayaa daba socda qoraal horay uga soo baxay Wasaarradda Cadaallada Somaliland oo lagu faray laamaha Amniga qabashada Ganacsade Axmed Geelle oo ka soo jeeda dalka Jabuuti, iyaga oo ku eedeeyay in uu yahay shaqsi danbi ka soo galay dalkiisa.

Hasse ahaatee odayaasha warbaahinta la hadlay ayaa ku tilmaamay tallaabada ay qaadayaan qaar ka mid ah Wasarraddaha mid aan u wanagsaneyn jirintaanka shuruucda iyo qawaaniinta Somaliland oo sida ay hadalka u dhigay aan loo daba-fariisan dowlad kale.

“Mudane madaxweyne [Muuse Biixi] waxaan leenahay Goormaa sharuucdeenii iyo qawaaniintii aynu dhiganay loo gacan galiyay dowlad kale, weynu ognahay waxa ka dhaxeeya ganacsadaha iyo dowladda Jabuuti iyo sababaha uu uga soo cararey intaba, sidaa daraadeed weynu ka digeynaa arinkan ah in loo dhiibo ganacsade Geelle dowladda Jabuuti’’ayeey sheegeen odayaashan shirka jaraa’id qabtay.

Ganacsadahan aya isaga soo baxsaday dalka Jabuuti kaddib khilaaf xoogan soo kala dhaxgalay isaga iyo xukuumadda taasoo keentay in maxkamada dalkaasi Jabuuti ay waaran u jarto isaga oo dalka ka maqan qabashadiisa.

 

HORN CABLE TV.