8 Wadan oo Ka Baaqday Shirkii Jaamacadda Carabta Ee Tunisia

Tunis, (HCTV) – Ku dhawaad kala badh hogaamiyeyaasha dalalka Carabta ayaan ka soo qaybgalin shirkii dalalka ku bahoobay Jaamacada Carabta ee shalay ka furmay dalka Tunisia. Sida Telefishanka HCTV uu ka soo xigtay Wakaalada Wararka ee Anadolu.

Shirkan ayaa waxa ka soo qaybgalay oo kaliya 13-dal oo carab ah oo ay ku jiraan Boqorka Sucuudi Carabiya boqor Salman, Amiirka dalka Qatar Tamim bin Hamad iyo Madaxweynaha dalka Masar Abdel-Fattah al-Sisi.

Halka sidoo kale ay shir madaxeedkaasi dalalka Carabta ay ka soo qaybgaleen Madaxweynaha Tunisia Beji Caid Essebsi, Sheikh Sabah Al-Ahmad-ka Kuwait,  Boqor Cabdullaha labaad ee Jordan iyo hogaamiyeyaasha Ciraaq, Lebanon, Falastiin iyo Yemen, Mauritania aiyo Djibouti.

Halka Libya uu uga soo qaybgalay Fayez al-Sarraj oo matalayey Madaxtooyada dalkaasi.

Dhinaca kale shir madaxeedkan dalalka Jaamacada CArabta ee ka furmay dalka Tunisia ayaa waxa ka baaqday Sideed dal oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha dalka Sudan Cumar al-Bashir, iyo Madaxweynaha Algeria Abdelaziz Bouteflika, Suldaan Qaboos bin Said-ka dalka Cumaann, iyo Boqorka Lixaad ee Moroccan Boqor Mohammed.

Dalka uu dagaalku ka socdo ee Suuriya ayaan ka soo qaybgalin.

Shir Madaxeedkan ayaa waxa Ajandihiisa qabsaday oo xaalada ka sii daraysa ee u dhaxaysa Israel iyo Xamas ee Marinka Qasa, dhibaatooyinka ka jira Libya, Yemen, waxaana intii shirku socday lagu eedeeyey dalka Iran inay faragalin xoog leh ku hayso arimaha Carabta iyo dagaalka lagaga soo horjeedo argagixisada.

HORN CABLE TV.