Bangiga Faransiiska Oo Ka Hadlay Dacwadda Axmed Cismaan Geelle

Jabuuti (HCTV) – Baanka BCIMR oo ka mid ah Baananka Dalka Faransiiska isla-markaana Farac ku leh Dalka Jabuuti, ayaa ka hadlay Dacwad uu sheegay inay ka dhaxayso Ganacsadaha reer Somaliland ee Axmed Cismaan Geelle.

War qoraal ah oo uu Maanta Baanku soo saaray, nuqul ka mid ahina soo gaadhay Telefiishanka HCTV, ayuu ku sheegay inay Warbaahinta ka arkeen hadallo iyaga lid ku ah, sidaasi darteedna ay Warkan u soo saareen si ay u soo bandhigaan sida wax u jiraan.

Baanka BCIMR ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Shirkadda GSK aanay dib u soo celin Lacag Maalgelin ah oo Baanku siiyey Shirkaddaasi, sidaa darteedna ay dacwadi ka dhaxayso Madaxa Shirkaddaasi Axmed Cismaan Geelle “Arrinka ku saabsan Garsoorka ka dhexeeya BCIMR iyo Macmiilkeedii Shirkadda GSK iyo Masuulkii Shirkaddaasi Axmed Cismaan Geelle, Baanka BCIMR ma helin Maalgelinta ay siisay Shirkadda GSK, Maalgelintaasi oo Shirkadda GSK u saamaxday inay ku horumariso Warshadaheeda..” ayuu Baanka BCIMR ku yidhi qoraalka uu Maanta soo saaray.

Qoraalka ka soo baxay Baanka ayaa sidoo kale lagu yidhi “Waxaanu waydiisanay Garsoorka Jabuuti in la fuliyo soo celinta deynta, lana amro hawl-gelinta damaanad-qaadka ay u haystaan, iyadoo la tix-raacayo heshiiska amaahda. Sidaa darteed Garsoorka Jabuuti ayaa go’aan ka soo saaray codsiga BCIMR isl-markaana u saamaxaya in la xakameeyo dhammaan Hantidii, sida Guryaha ee Shirkadda GSK ay ku lahayd Jabuuti oo haysto Qiimihii uu ka qaatay Baanka BCIMR, sidaasi awgeed ayaa Dacwadda looga dhaqaajiyey Maxkamadda Hargeysa, iyadoo la tixgelinayo xuquuqda uu leeyahay Macmiilku. Dacwadda ka dhaxaysa Baanka BCIMR iyo Shirkadda GSK waa mid ku salaysan heer ganacsi oo ay wadaagaan laba hay’adood oo gaar loo leeyahay, isla-markaana ku dhisan difaaca danaha Baanka BCIMR.”

Qoraalka Baanka ayaa waxa kale oo lagu yidhi “Dacwadda BCIMR waa mid ka caagan fikrado siyaasadeed, waxaana salkeedu yahay difaaca xeerka iyo Nidaamka Bankiga…”

War-saxaafadeedkan ayaa Baanka ka soo baxay, ka dib markii uu soo baxay War sheegaya in Dawladda Jabuuti doonayso in la qabto, loona gacan geliyo Ganacade Axmed Cismaan Geelle, taasi oo cirka isku sii shareertay markii odayaasha Beeshiisu arrintan ku xidhiidhiyeen Xukuumadda Somaliland.

 

Horn Cable Tv