“Ciidanka Asluubtu Ma Lahayn Dugsi Tababbar..” Xudhuun Oo Xilka Wareejiyey

Hargeysa (HCTV) – Munaasibad lagu qabtay Taliska Ciidammada Asluubta ee Magaalada Hargeysa, waxa Maanta Xilka kula wareegay Taliyaha cusub ee Ciidammada Asluubta Somaliland, Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax).

xmed Cawaale Yuusuf (Libaax), ayaa waxa xilka ku wareejiyey Taliyihii hore ee Ciidammadaasi  Maxamed Cismaan Ibraahim (Xudhuun) oo uu toddobaadkii hore uu xilka qaaday Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Xafladda xil-wareejinta oo ay ka qayb-galeen Wasiirro iyo Wasiir ku-xigeeno ka mid ah Xukuumadda Somaliland, ayaa waxa khudbad kooban ka soo jeediyey Taliyaha xilka wareejiyey, waxaanu soo bandhigay waxyaabaha ugu waaweyn ee uu u qabsoomay muddadii uu xilka hayey, waxaanu yidhi “Ciidanka Asluubtu illaa Dawladdii aynu ka soo go’nay ma lahayn Dugsi tababbar, laakiin Maanta waxay leeyihiin Dugsi tababbar oo u gaar ah oo dhamaystiran. Waxaan tababbar geliyey dhammaan Ciidanka Xabsiyada..”

Taliyaha cusub ee Ciidammada Asluubta Somaliland, Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax), oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa ka markhaati kacay in Taliyaha uu xilka kala wareegay uu Ciidanka u hirgeliyey Dugsi Tababbar “Xudhuun wuxuu dhisay Dugsiga Tababbarka Ciidanka Asluubta Waayo? Dadka kale ayaa lala bari jiray (Inay Ciidanka Tababbaraan)..”

 

Horn Cable Tv