Somalia Oo Loo Fasaxay Lacago Gargaag Oo Dhan $45.7m Oo Somaliland $12m Ka Mid Ah Loo Qoondeeyey

Hargeysa, (HCTV) – Sanduuqa Qaramada Midoobay ee gargaarka degdaga ah ee (CERF) iyo Sanduuqa Bani’aadanimo ee Somalia ayaa fasaxay lacag gaadhaysa $45.7 million dollar maanta si wax looga qabto badbaadada dadka Somalia, halkaas oo dad lagu qiyaasay 4.2 million oo qof ay u baahan yihiin gurmad degdeg ah oo bani’aadanimo sanadkan, oo ay ku jiraan 900,000 caruur ah.

“Lacagtan ayaa wax lagaga qaban doonaa baahiyaha dhinaca raashinka, biyaha, caafimaadka, iyo waxbarashada sida ugu dhakhsaha badan uguna suurtagalsan meelaha ay ka jirto baahiyaha xooga lihi,” sidaasi waxa yidh Mark Lowcock, oo ah Agaasimaha guud ee arimaha gargaarka iyo isku xidhka hawlaha bani’aadanimo.

“Waxaanu muhiimada saaraynaa inaanu gaadhsiino, Caruurta, Haweenka, iyo dadka waaweyn iyo kuwa naafada ah, ee ay soo wajahday abaaraha iyo dagaalada sii socda ee Somalia.”

Waxaana $12-million oo ka mid ah lacagtaasi loo fasaxay Somalia ay tagi doontaa gobolada Somaliland halkaas si wax loogaga qabto dad gaadhaya  823,000 qof oo ay soo wajahday xaalad cuno yari ah. Waxaana Lacagtaasi loo loo isticmaali doonaa Raashin gurmad ah oo la gaadhsiiyo gobolada Awdal iyo Woqooyi Galbeed, iyadoo wax lagaga qaban doono dhinacyada Naqaynta, Caafimaadka, Biyaha Nadaafada iyo Fayodhawrka ee gobolada Sool, Sanaag iyo Bari.

HORN CABLE TV.