Midawga Yurub oo ku Hanjabay inay Jarayaan Qaadhaanka Somaliland, hadii aan la Heshiin.

Image may contain: 11 people, people smiling, people standing and suit

Hargeysa, (HCTV) – Xisbiyada Soamliland ayaa kulan degdeg ah yeeshay maanta kadib markii ay shalay galab kulan la qaateen wefti ka socda Midawga Yurub oo dalka yimid. Waxaanay ilo xog ogaal ahi ay u sheegeen Telefishanka HCTV inay ka dalbadeen in xisbiyada Somaliland ay heshiis rasmi ah ka gaadhaan muranka ka taagan doorashada Wakiilada iyo Deegaanka iyo Arimaha Komishanka Doorashooyinka, hadii kale ay ka tashanayaan qaadhaanka ay siiyaan Somaliland.

Kulanka saaka ay yeesheen saddexda xisbi qaran ee Somaliland oo ka dhacay xarunta guud ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID, waxay saddexda xisbi ee Somaliland kaga doodeen inay go’aan rasmi ah ka gaadhaan muranka ka taagan doorashada.

Kulan ay yeesheen saddexda xisbi ee Somaliland ee Kulmiye, Waddani Iyo UCID ayaa markii laga soo baxay kulankaasi ay xisbiyadu diideen inay warbaahinta Somaliland ay faahfaahin ka siiyaan ujeedada kulankaasi.

Hase yeeshee waxa warar xogogaal ah oo telefishanka HCTV uu helay ay sheegayaan in saddexda xisbi ee Somaliland ay aad isugu soo dhawaadeen, isla markaana ay ka soo dabceen meelihii ay kala taagnaayeen.

Waxaana la fili karaa in maalmaha soo socda ay heshiis rasmi ah ay wada gaadhaan.

Dhinaca xisbiga Kulmiye waxa shirka ku matalayey Maxamed Kaahin Axmed Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland, gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo waliba Cabdikariim Xinif.

Dhinaca xisbiga Waddani oo diiday in sawiro laga qaado waxa shirka saddexda xisbi ku matalayey Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, Hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ku xigeenka xoghayaha guud Jamaal Xaamud iyo waliba xoghayaha Gaarka ah ee Gudoomiye Ciro, Cabdiqaadir Iidle.

Sidoo kale ee xisbiga UCID waxa iyaguna kulankaasi ku matalayey Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Xoghayaha guud ee xisbiga Axmed Xirsi Ducaale, Professor Axmed Cabdi Abyan iyo waliba Maxamuud Saleebaan Ramaax.

Dhinaca kale Weftiga Midawga Yurub ayaa kulano gaar gaar ah la yeeshay Guddida doorashooyinka iyo Shir gudoonka golaha Wakiilada Somaliland.

HORN CABLE TV.