Nairobi: Ujeeddada Dibed-bax Ay Sameeyeen Ganacsatada Islii

Nairobi (HCTV) – Ganacsatada Soomaalida ah ee Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi ayaa Maanta Xidhay Meheradahooda, dibed-baxna ka dhigay halkaa.

Ganacsatada Xidhay Meheradahooda isla-markaana Dibed-baxa sameeyay ayaa ka cabanayey Cashuuro ay sheegeen in lagu kordhiyey.

Dadka Dibed-baxa sameeyay ayaa sitay Boodhadh ay ku qoran yihiin Ujeeddada ay u dibed-baxayaan iyo siday uga xun yihiin Cashuuraha ay sheegeen in lagu kordhiyey.

Guddoomiyaha Ganacstada Soomaalida ah ee Islii, Ibraahim Xuseen ayaa Ganacsatada ka codsaday in aanay meheradahooda furin, illaa inta ay Dawladda ka wada hadlayaan Cashuurta ay ka canayaan “Tukaannadu way wada xidhan yihiin Maanta, kii furaana nagama mid aha. Haddii Maanta la noo yeedho waanu furaynaa Meheradaha, markaa Dadka tukaannada leh waxaanu ka codsanaynaa in aanay Meheradahooda furin..”

Warkaasi oo Faahfaahsan halkan Hoose ka Daawo

 

Horn Cable Tv