Wefti Reer Jabuuti Ah Oo Dib u Dhigay Socdaal Ay Ku Iman Lahaayeen Somaliland.

Hargeysa (HCTV) – dib u dhac ayaa ku yimi  Wefti ka socda Jamhuuriyadda Jabuuti, kuwaasi oo la filayey inay Toddobaadkan yimaaddaan Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, sida ay ilo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyay televisionka Horn Cable.

Weftiga ka iman lahaa Dalka Jabuuti, ayaa waxaa la sheegay inuu hormuud u yahay   Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Jabuuti Xasan Cumar Burhaan.

Wasiirka Arrimaha gudaha Jabuuti, Xasan Cumar Burhaan ayaa waxa bishii hore Casuumad u fidiyey Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo Jahuuti kaga qayb-galay Afartan Guuradii Aasaaska xisbiga Talada Jabuuti haya ee RPP.

Rasmi ahaan looma oga sababta baajisay Weftiga reer Jabuuti ee socdaalka ku iman lahaa Somaliland Toddobaadkan, laakiin Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Masuuliyiinta Jabuuti ee Wasiirka Arrimaha guduhu ka mid yahay ay go’aansadeen inay socdaalkaa dib u dhigaan, maaddaama oo ay jirto hadal hayn la xidhiidha  Dacwadda Ganacsade  Axmed Cismaan Geelle  oo bulshada uu kasoo jeedaa ay muujiyeen sida ay uga xun yihiin dabagalka ay xukuumadda jabuuti ku hayso hantida  Ganacsadahaasi.

inkasta oo xalay uu war soo saaray Bangi faransiis ah oo lagu magcaabo BCIMR oo ku dooday Ganacsade Axmed Cismaan Geelle uu soo Celin waayay Maalgalin ay siiyeen oo uu ku horumariyay Ganacsigiisa.

 

Horn Cable Tv