Wiil Qareennimo Usoo Bartay Soo Celinta Dhulkii Laga Qaaday

Uganda, (HCTV) – Wiil u dhashay dalka Uganda oo da’diisu ahayd lix sanadood oo kaliya markii Aabihii laga qaaday dhul, ayaa ugu dambayntii ku guulaystay inuu soo celiyo dhulkaasi 23 sanadood ka dib markii uu noqday Qareen ama Lawey sharciga bartay.

Wiilkan yar oo magaciisa la yidhaahdo Jordan Kinyera ayaa u baxay 18 sanadood oo waxbarasho ah iyo tababar dhinaca sharciga ah intii aanu galin kiiska dhulka.

Maalintii Isniintii, ayaa Maxkamada Sare ee dalkaasi ay gacanta ka galisay xukunkii kama dambaysta ahaa kaas oo ay qoyskiisa u xukuntay lahaanshaha dhulkaasi.

Mr Kinyera ayaa BBC Newsday oo Telefishanka HCTV ka soo xigtay sheekadan u sheegay in markii qoyskoodu ay waayeen dhulkaasi ee laga qaaday da’diisu ay ahayd lix jir, taasina ay wax weyn ka badashay noloshiisa.

“Waxaan qaatay go’aanka ah in aan noqdo Qareen intaa kadibna nolosha waxa wax badan igu dhiirigaliyey dhacdadii aan ku koray ee aan usoo joogay, xaaladihii iyo gardarooyinkii qoyskayaga loo geystay ayaa keentay arintan intii lagu gudo jiray xukunka, sidii uu noo saameeyey anaga,” ayuu yidhi Mr Kinyera.

Aabaha dhalay Wiilkan yar ayay maxkamad isla tageen jiiraankiisa oo uu ka dhaxeeyey khilaaf dhuleed sanadkii 1996-kii, waxaana ay kiiska marba ay dabada ka riixayeen in ka badan labaatan sanadood.

“Aabahay wuu talax gabay, maxaa yeelay muu haysan dhaqaale farabadan. Wakhtigaana waxba may soo gali jirin. Wuxuu ahaa mid aad u walwalsan oo bahdilaad weyn dareemayey xaaladan awogeed, manuu awoodayn wax kale oo uu sameeyo. Taasina waxay ahayd waxa aniga i dhiirigalinayey inta badan.”

Mr Kinyera ayaa u sheegay BBC-da inuu Aabihii faraxsan yahay hada, waxaanu sheegay in aanay Firi kaliya dhulka ku aasin 23-kaa sanadood.

“Cadaalad dib u dhacday waa cadaaladd lagu duudsiiyey. Aabay hada waa 82 jir wax badana hada kama qaban karayo dhulka. Hada waa mid anaga noo taala oo kaliya in aanu ka sii dhaqaajino halkii uu kagaga tahay.”

Muranada dhulku waa kuwo ku baahay guud ahaan dalka Uganda. Sida ay xaqiijiyeen kooxda dhinaca sharciga dadka kala taliya ee Namati, waxaanay tilaameen in 33-ilaa 50% dhulka la kala haysto.

Dad badan oo iyagu ka barkacay dalka Uganda oo markii dambe ku soo noqday goboladii ay ka soo jeedeen markii ay wakhti badan ku soo qaateen xeryo qaxoonti, ayaa markii dambe ay dhexmareen murano dhinaca dhulka ahi, sida Mr Kinyera uu u sheegay BBC-da.

“Arimaha noocan ahi waa kuwo faafay oo yaala dhamana qaybaha kala duwan ee maxkamada oo khilaafyo iyo murano dhulka ah.” 

HORN CABLE TV.