“Axmed Geelle wuu Qirtay Deynta Bangiga Faransiiska” Madaxtooyada Somaliland.

Hargeysa (HCTV) – Madaxtooyada Somaliland ayaa ka hadashay Deyn la sheegay in Bangi Faransiis ahi ku leeyahay ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo ka mid ah Muwaadiniinta reer Somaliland.

Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland oo Warbaahinta la hadlay ayaa  sheegay in  bangi caalami ahi deyn u sheeganayo Ganacsadaha, lacagtaasi oo uu ku bixiyay Maalgalinta warshadda SBA ama  Cocacola oo laga dhisay Dalka Jamuuriyadda Somaliland

WAA IMISA LACAGTA BANGIGU SHEEGANAYO ?

“12 March, 2018 waxa Somaliland yimid, Agaasime ku-xigeenka baanka weyn ee Faraniiska ee BBCE, oo ah Baanka leh BCIMR iyo Agaasimaha guud ee Faransiiska, Baankaasi ku leeyahay Jabuuti, labadan Agaasime waxay sheegeen inay lacag deyn ah oo dhan 20 Milyan dollar ku leeyihiin shirkadda GSK iyo Mulkiilaha Shirkaddaasi Axmed Cismaan Geelle..” Ayuu yidhi afhayeenku.

Afhayeenku wuxuu sheegay in Xukuumadda Somaliland ay ku  doodday in garta lagu qaado oo keliya Maxkamadaha Somaliland, maaddaama oo ganacsade Axmed Cismaan Geelle uu hadda yahay Muwaadin reer Somaliland ah.

“Dood dheer ka dib, waxaa uu sheegay in  la isla qaatay in Dacwadda Deynta lagu qaado Maxkamadaha Somaliland, iyadoo haba-yaraatee aan wax tixgelin ah la siinin go’aammada ka soo baxay Maxkamadaha Dalalka faransiiska iyo Jabuuti.” ayuu yidhi

Af-hayeenku isagoo hadalkiisa sii watta waxaa uu sheegay ” Axmed Cismaan Geelle waxa lagula taliyey inuu Lacagta Deynta ah iska bixiyo mar hadduu qiraal yahay, laakiin ganacsaduhu arrintaa wuu ka cago-jiiday, sidaa darteed Baanka Faransiisku wuxuu qabsaday Looyar reer Somaliland ah, kaasoo bilaabay inuu soo diyaarsado Waraaqaha Deynta Baanka Faransiiska ahi u sheeganayo Ganacsade Axmed Cismaan Geelle”

 GANACSADE GEELLE , OO WAAJAHAYA EED CUSUB.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland waxaa uu sheegay in Ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo uu ka leexday dariiqa sharciga ah ee arrintan lagu furdaamin lahaa isla-markaana uu marin-habaabiyay odayaasha dhaqanka, una sheegay in  waaran qabasho ah loo jaray, taasi oo sida Afhayeenku Sheegay abuurtay Caadifad Qabiil oo khal-khal galin ku ah Amniga Somaliland.

 

Horn Cable Tv