“Khamrigii Caanahana Kama Duwana Imika..” Booliiska Puntland

Boosaaso (HCTV) – Taliyaha Ciidammada Booliska ee Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Muxyaddiin Axmed Muuse ayaa ka warramay dhibaatada Maandooriyaha Khamrigu ku hayo degaannada Puntland.

Taliyaha oo hadal ka jeediyey Madal lagu soo bandhigay boqollaal Litir oo khamri ah oo lagu qabtay doonayey inay ka ganacsadaan, ayaa sheegay in Khamrigu uu sida Caanaha oo kale ka noqday Puntland, sidaa darteedna loo baahan yahay in meel looga soo wada jeedsado oo wax laga qabto, maaddaama oo khatar ku yahay akhlaaqda iyo Dhaqanka Dadka Muslimiinta.

Taliyuhu wuxuu sheegay in xitaa Ciidammada Booliisku ka qayb-qaataan inoo Puntland soo galo, gaar ahaan kuwa jooga Kaantaroollada, waxaanu yidhi “Khamrigan waxa ku jiray mid ku jira Kartoon furan oo sida Qaadka la yidhaahda barabaraha, Dadkii lagu qabtay waxay yidhaahdeen, waxaanu siinaynay Kaantaroollada (Ciidanka jooga), labada daaqadood ayaa looga dhiibayaa (Askarta), markaas ayuu gaadhigu dhaafayaa. Khamriga waxa la baray reer Baadiyihii, meel kasta waalla baray, Caanaha kama duwan hadda. Qof kasta waa inuu ka qayb-qaato la dagaalankiisa, haddii kale Diin ahaan, dhaqan ahaan iyo akhlaaq ahaanba waynu u dhimanaynaa.”

Taliyuhu waxa kale oo uu sheegay in maxkamaduhu qaarkood si fudud u fasaxaan Dadka lagu qabto khamriga “Maxkamadda Derajada koowaad iyo Xeer-ilaalinta aad baan ugu Mahad-celinayaa, Runtii Maxkamadaha derajada koowaad siday shaqadu tahay ayay u qabtaan, laakiin Maxkamadaha Derajada labaad ama Rafcaanku waxa laga yaabaa Ninka intaas oo khamri ah keenay inuu Saddex maalmood ka bacdi uu Bannaanka joogo (oo la soo daayo). Nin hore oo aanu Afar boqol iyo dheeraad Litir oo khamri ah ku qabanay, Arbacadii baa la xukumay, Khamiistiina Jeelkaa la geeyay, Sabtidiina waalla soo daayey, kaasaan goob-joog u ahaa..”ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv