Madaxweynaha Somaliland Oo ka Hadlay Shirkii Xisbiga Soomaalida Itoobiya

Hargeysa  (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay Shirkii 10-aad ee Xisbiga Dimuqraadiga ah ee Soomaalida Itoobiya, kaasi oo Shalay ka qabsoomay Magaalada Jigjiga isla-markaana lagu doortay hoggaan cusub.

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada oo soo gaadhay Telefiishanka Horn Cable, kaasi oo isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa Xisbiga Dimuquraadiga Soomaaliyeed oo qabsaday shirkii 10aad oo ay ku doorteen hoggaan cusub ee Xisbiga SDP.

Waxaanu Madaxweynuhu ku hambalyeynayaa guusha ay ka gaadheen shirweynihii 10-aad ee xisbiga kuna doorteen guddoomiyaha xisbigaasi, mudane Axmed Shide iyo guddoomiye ku xigeenkiisa, mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo xubnaha kale ee xisbigaaasi.

Madaxweynuhu wuxuu ku bogaadinayaa dawladda federaalka itoobiya iyo xisbiga talada dalkaasi gacanta ku haya ee EPRDF, ee uu qaybta ka yahay xisbiga SDP sida dimuqraadiyada iyo bisaylka xisbinnimo ka muuqato ee uu ugu dhamaaday shirkaasi, taasoo ka turjumaysa talo wadaaga, kala danbaynta iyo jiritaanka xisbinimo ee Geeska Afrika, waxaanu madaxweynuhu si gaara ugu hambalyaynayaa horumarka iyo guusha xisbiga dawlad-deegaanka Soomaalida ee SDP uu ka gaadhay doorashadaasi.

Isagoo Madxweynuhu u rajeeyey guddoomiyaha, guddoomiye ku-xigeenka iyo xubnaha kaleba in Alle u fudaydiyo hawlaha xisbiga Dawlad-deegaanka Soomaalida oo aynu wadaagno xidhiidh soo jireen ah oo ku dhisan walaaltinimo, deris wanaag iskaashi, ganacsi iyo isu socodka labada bulsho ee walaalaha ah.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay soo dhawaynaysaa horumarka dimuquraadiyada xisbiyada ee ay ku tallaabsatay Dawladda federaalka Itoobiya, gaar ahaan kan deegaanka Soomaalida..”

Aamiin Aamiin Aamiin

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.