Rwanda: Sheekooyinka Naxdinta Leh Ee Laga Warramay 25 Sannadood Ka Dib (Akhriso War-bixin)

Rwanda (HCTV) – 25 Sanadood ayaa ka soo wareegtay Xasuuqii 1994-kii ka dhacay Dalka Rwanda.

Sidaa darteed, Dadkii Xasuuqaa ka bedbaaday qaar ka mid ah ayaa 25 sannadood ka dib, ka warramay Sheekooyin Naxdiintooda leh oo ay goob-joog u ahaayeen.

Waxay ahayd toddobaadkii u horreeyay ee bisha April, 1994-kii oo ay bilaabmayeen Roobab wakhti dheer da’aya, dhirta Buuraha ku taallaana isku beddeshay Cagaar, Beeraha Hadhuudhka iyo Muuskana la guray.

Mabare oo ah tuulo ku taalla bariga Dalka Ruwanda ayaanu ku sugnayn, Dadkuna waxay isku diyaariyeen inay seexdaan, laakiin saacaddu markay ahayd 8:30 fiidnimo, waxa Gantaal laga riday meel 50KM u jirta uu cuskatay diyaaraddii Madaxweynihii Rwanda Juvenal Habyarimana oo isku diyaarinaysa inay fadhiisato Caasimadda Rwanda ee Kigali.

Habyarimana oo ka soo jeeda qoomiyadda Hutu wuxuu markaa ka soo laabtay Dalka Burundi oo uu heshiis nabadeed la soo saxeexday Jabhaddii Tuutsiga.

Laakiin, Gantaalkii diyaaraddiisa lala beegsaday wuu soo riday diyaaraddii, waxaana halkaa ku dhintay dhammaan Dadkii diyaaraddaa saarnaa, laakiin wuxuu bilow u noqday dhiiggii ugu badnaa ee daatay qarnigii 20-aad.

100-kii Maalmood ee Maalintaa ku xigay, inta badan Ciidammadii Hutuugu waxay dileen in ka badan 800,000 kun oo Tuutsi ah iyo kumanaan Huutu ah oo ku dhex noolaa.

Xasuuqa may geysanayn oo keliya Ciidammadu, balse waxa qayb weyn ka qaatay maleeshiyaad Hutu ah oo ku hubaysnaa Baangado.

Toddobaadkan waxa Rwanda looga baroor-diiqayaa Dadkii 25 sannadood ka hor Xasuuqaa ku dhintay, waxaana ku sugan Madaxda Dalalka Adduunka oo dhibbanayaasha u ducaynaya.

Rashid Bagabo oo ah Imaamka Masaajidka keliya ee ku yaallay Tuulada Mabare ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay diyaaradda la soo riday ay isbeddeshay Xaaladdii Tuuladadoodu, taasina keentay in Dadkii aan Huutaga ahayn ay masaajidka Magan-galaan, Dad Meydkooda lagu arkay haradana uu ka soo saaray, si uu asturo “Diintayadi waxay na bartay inaanu bedbaadino Nafaha kale..” ayuu yidhi, Imaamka oo ka warramaya wixii ka dhacay Masaajidka uu Maamulayey, waxaanu intaa ku daray “Diintu waxay na bartay haddii aanu hal qof bedbaadino inay ka dhigan tahay inaad Dadka oo dhan bedbaadisay..”

Imaamku wuxuu sheegay in Masaajidku uu Maalinba Maalinta ka dambaysa uu soo buuxsamayey, oo uu Hoy u noqday Dad waaweyn, kuwo yaryar, Rag iyo Dumar, Muslim iyo Gaaladaba “Dadka Meel walba waa lagu dilayey, kumanaan baa lagu dilay Kiniisadaha, Qaar ka mid ah Baadariyiinta ayaa ka qayb-qaadanayey Xasuuqa. Tuuladayada waxa ku yaallay 3 Kiniisadood, laakiin Dadku way ka baqayeen inay tagaan, sidaa darteed bay amni ahaan u imanayeen Masaajidkayaga..” ayuu yidhi Rashiid.

Mwanaidi Kampire oo isaguna ka mid ahaa Dadkii ka bedbaaday Xasuuqaas ayaa ka warramay waxyaabihii arkay wakhtigaa “Waxaanu aragnay Carruur iyo Dumar waaweyn oo la jarjaray, qaarkood jaarkayaga ahaayeen, laakiin aanaan waxba u qaban karayn..” ayuu yidhi Mwanaidi Kampire oo 59 jir ah xilligan.

Pierre Ngarambe oo ah Kiristaankii Masaajidka Magangalyada u galay oo hadlay ayaa sheegay inuu isagu Xasuuqaa ka bedbaaday, laakiin la dilay Xaaskiisii iyo 7 Carruur ah oo uu dhalay, waata Dadka yar ee Nasiibka leh ayay Ninkan ku sheegtay Al-jazeera oo HCTV uu War-bixintan ka soo xigtay.

Mid kale, oo ka mid ahaa Dadkii Masaajidka kaga bedbaaday Xasuuqii Huutuuga ayaa sheegay in 100 Qof oo Masaajidkaa ku jiray ay bedbaadeen Qof oo keliya.

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka