“Axmed Cismaan Geelle, Waa Loo Xoog Sheegtay..” Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay Muranka Maaliyadeed ee  u dhexeeya Baanka BCIMR iyo Ganacsadaha reer Somaliland ee Axmed Cismaan Geelle Arab, kaasi oo Maalmihii u dambeeyay buuq ka dhex abuuray Bulshada Somaliland.

Baanka BCIMR oo laga leeyahay Dalka Faransiiska, Faracna ku leh Dalka Jabuuti ayaa Ganacsade Axmed Cismaan Geelle ku sheeganaya inuu ku leeyahay Lacag ka badan 20 Milyan oo Dollar, waxaanu Dawladda Somaliland ka codsaday in loo Maxkamadeeyo hadduu diido inuu bixiyo deyntaasi, laakiin Mulkiilaha Shirkadda GSK, Axmed Cismaan Geelle ayaa Afhayeen u hadlay qiray inay deyntaasi jirto, balse Hantidii lagu aaminay lacagtaa lagu siiyey ay Dawladda Jabuuti xoog kagala wareegtay, sidaasi darteedna loo baahan in Hantiisa loo soo celiyo.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo Maanta la hadlay Telefiishanka HCTV ayaa sheegay in Ganacsade Geelle loo xoog sheegtay, waxaanu yidhi “Axmed Cismaan Geelle waa nin haysta laba dhalasho, waa Jabuutiyaan, waana Muwaadin Reer Somaliland ah, sidaa darteed waxaynu xaq u leenahay Dawladda Jabuuti loo tago oo wixii ku kala maqan la dhexdhexaadiyo, xaq buu leeyahay Axmed Cismaan Geelle ee yaan awood Dawladeed loo sheegin, waa in wuxuu xaq u leeyahayna la siiyaa, wixii xaq loogu leeyahayna laga qaadaa, laakiin in loo istcimaalo Dawladnimo waa innagu ceeb..”

Faysal wuxuu tilmaamay in Dawladda Jabuuti ay Axmed Cismaan Geelle ula dhaqantay sidii ay ula dhaqantay Shirkadda DP World oo ay isku qabteen Dekedda Dooraalle, “Axmed Cismaan Geelle waxa loogu xoog sheegtay sidii DP World, DP World ayaa hadh-cad waxoodii lagala wareegay, markaa nimankani niman daahaya maahaya..”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey inay been tahay Wararka sheegaya in Dawladda Somaliland doonayso inay Ganacsadaha u gacan-geliso Jabuuti “Waan la hadlay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Guddoomiyaha Maxkamadda, wax la qabanayaa ma jirto Axmed Cismaan Geelle.”

 

Horn Cable TV