Eritrea Oo Sudan, Qatar Iyo Turkey-ga Eedo U Jeedisay

Asmara, (HCTV) – Eritrea ayaa dalalka Sudan, Qatar iyo Turkiga ku eedaysay inay faragalin ku hayaan xidhiidhka wanaagsan ee wakhti xaadirkan kala dhexeeya Ethiopia.

Xiisad u dhaxaysa Eritrea iyo Sudan ayaa cirka isku shareertay kadib markii dawlada Eritrea ay ku eedaysay Sudan, Qatar iyo Turkey-gu inay taageero siinayaan kooxo Xagjir ah si loo curyaamiyo xidhiidh laba geesoodka ah ee ay leeyihiin Asmara iyo Addis Ababa.

Xidhiidhka u dhexeeya Khartoum iyo Asmara ayaa sii xumaanayey sanadadii la soo dhaafay, waxaana sabab u ahaa taageerada Sudan ee dalka Ethiopia, ka hor intii heshiisyada taariikhiga ahi aanay dhex marin Ethiopia iyo Eritrea bishii July ee sanadkii la soo daafay.

Halkaas oo Ethiopia iyo Eritrea ay meesha ka saareen xurguftii, balse aanay taasi daba socon in caadi laga xidhiidhka Sudan iyo Eritrea, waxaanu Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki uu Sudan ka dalbaday inay faahfaahin ka bixiso eedo ah inay taageero mucaaridka.

Inkastoo xidhiidhka ka sii darayaa uu baaqi ku sii ahaa in labada dhinac ay ka fogaadaan isku dayo dagaal dhalin kara.

Si kastaba ha ahaatee, Arbacadii ayay dawlada Eritrea war ay soo saartay ay ku eedaysay in xisbiga Horumarka iyo Cadaalada ee xukumada dalka Turkiga ee (AKP) iyo Kooxo Qadar u qaabilsan hawlgalada dibadu ay ka dambeeyaan Mucaaridka Eritrea ee (“Eritrean Muslim League”.

Sida lagu sheegay warka eeda ah ee ka soo baxay Eritrea ayaa lagu sheegay in Sudan ay dhulkeeda u ogolaatay inay Isticmaalaan Mucaaridka Eritrea, halka Qatar ay dhaqaale ku taageeto kooxahaasi.

Sudan wax jawaab ah kamay bixin eedahaasi, balse dalka Turkiga oo ka jawaabay ayaa eedo aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay warka ka soo baxay Eritrea.

Wasaarada Arimaha dibada dalka Turkiga ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay in dawlada Turkigu ay soo dhaweysay xidhiidhka Ethiopia iyo Eritrea ee caadiga noqday, iyo in horumar ku wajahan dhinaca xasiloonida ay ka hana qaadaay Geeska Afrika.

Horn Cable TV.