Madaxweyne Biixi Oo Sameeyay Xil Ka Qaadis Iyo Magacaabid

Madaxweyne Biixi Oo Sameeyay Xil Ka Qaadis Iyo Magacaabid

Madaxweynaha Somaliland Oo Si Ballaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Boorama, Mashaariicna Xadhiga Ka Jaray
Abiy Iyo Uhuru Waxay U Qaateen In Fikraddii Soomaaliweyn La Dhimatay Burburkii Soomaaliya
Mulkiilihii Telefishanka Horyaal Oo Damaanad Lagu Sii Daayey Iyo Wariyeyaashii Hadhwanaag Oo Wali Xidhan
Pakistan: Ugu Yaraan 15 Qof Oo Ku Dhintay Laba Tareen Oo Isku Dhacay
Madaxweynaha Iyo Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka Ah Oo Kulan Yeeshay

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Guddiga Mihnadleyaasha Caafimaadka u Magacaabay Guddoomiye cusub, kaasi oo noqon doona Luul Jirde Xuseen Ducaale.

Wareegtada uu Madaxweynuhu ku Magacaabay Masuulka cusub oo soo gaadhay Telefiishanka Horn Cable Tv isla-markaana loogu Mahad-naqay Guddoomiyihii hore ee Guddigaasi ayaa u qornayd sidan:-

WAREEGTO MADAXWEYNE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/XM/WM/222-292/042019 uu ku magacaabay Guddoomiyaha Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

 Markaan Arkay:   Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:   Aqoonteeda, Kartideeda iyo Waaya-aragnimadeeda;

Markaan ku Qancay:  In ay Hanan Karto Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:      La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey; In Dr. Luul Jirde Xuseen Ducaale, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Guddoomiyaha Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaan uga mahadcelinayaa Guddoomiyihii hore muddadii uu hayey xilka Qaranka.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.

 

COMMENTS

%d bloggers like this: