Somali News

Madaxweyne Biixi Oo Sameeyay Xil Ka Qaadis Iyo Magacaabid

By Ahmed Cige

April 06, 2019

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Guddiga Mihnadleyaasha Caafimaadka u Magacaabay Guddoomiye cusub, kaasi oo noqon doona Luul Jirde Xuseen Ducaale.

Wareegtada uu Madaxweynuhu ku Magacaabay Masuulka cusub oo soo gaadhay Telefiishanka Horn Cable Tv isla-markaana loogu Mahad-naqay Guddoomiyihii hore ee Guddigaasi ayaa u qornayd sidan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay uu ku magacaabay Guddoomiyaha Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

 Markaan Arkay:   Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:   Aqoonteeda, Kartideeda iyo Waaya-aragnimadeeda;

Markaan ku Qancay:  In ay Hanan Karto Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:      La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey; In Dr. Luul Jirde Xuseen Ducaale, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Guddoomiyaha Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaan uga mahadcelinayaa Guddoomiyihii hore muddadii uu hayey xilka Qaranka.

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.