Maraykanka Oo Ilaalada Kacaanka Iran U Aqoonsanaya Argagixiso

Washington, (HCTV) – Dalka Maraykanka ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda ku dhawaaqo in Ciidamada Ilaalada Kacaanka dalka Iran (IRGC) uu ugu yeedho koox argagixiso, sida Wargeyska Wall Street Journal uu u xaqiijiyey sarkaal aan magaciisa la sheegin.

Talaabadan ayaa hadii la qaado markii ugu horaysay hoosta ka xariiqi doonta in Washingtion ay milatari dal kale ay ugu yeedho “koox argagixiso.

Warka go’aanka arintan ku saabsan ayaa la sheegayaa in lagu dhawaaqi doono inta aan la gaadhin Isniinta todobaadkan, sida ay sheegayso xogta uu helay Wargeysku.

Hase yeeshee, xarunta gaashaandhiga Maraykanka ee Pentagon-ka, Aqalka Cad iyo The State Department-ka Maraykanka ayaa dhamaantoodba ka gaabsaday inay ka jawaabaan warkan uu daabacay Wargeysku ee saraakiisha ka tirsan dawlada Maraykanku ay u dusiyeen.

Dawlada Iran ayaa mudooyinkii u dambeeyey eedo calculus kala kulmaysay xoghayaha arimaha dibada ee dalka Maraykanka, Mike Pompeo oo isagu kor u qaaday siyaasada maamulka Trump uu ku wajahayo dalka Iran.

Maraykanku mudo hore waxa uu liiska madow uu ku daray xubno iyo shakhsiyaad xidhiidh la leh ciidamada kacaanka Iran (RGC, balse guud ahaan Milatariga Iran aan ku darin Liiska Madow.

Waxaana cunaqabatayntii ugu dambaysay ee bishii March lagu soo rogay Shirkado iyo Shakhsiyaad la sheegay inay balaayiin dollar iyo euros ay u gudbiyeen Ilaalada Kacaanka Iran.

Horn Cable TV.