Muxuu Siday Gaadhiga Guddoomiye Cirro Ee Booliisku Xidhay ? (Akhri)

Hargeysa (HCTV) – Ciidammada Booliiska Somaliland ayaa la wareegay Gaadhiga khaaska ah ee Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Gaadhigan Ciidammadu la wareegeen ayaa la sheegay inuu Magaalada Saylac ka soo qaaday Direys loo siday ilaalada gaarka ah ee Guddoomiye Cirro.

HCTV ayaa ogaaday in Gaadhiga marka koowaad la geeyay Kastamka ku yaalla badhtamaha Hargeysa, laakiin markii dambe ayaa laga qaaday Kastamkaasi.

Xidhiidho uu Telefiishanka Horn Cable Tv la sameeyay Taliska Booliska, Wasaaradda Maaliyadda iyo Xarunta Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa wuxuu helay Waraaqihii Dawladdu ku ogolaatay in si sharci ah Dirayskaasi loogu keeno Ilaalada Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI.

Warqad uu ku saxeexan yahay Madaxa Hoggaanka Ciidammada Qaranka, Cali Rooble Bulaalle uu Wasiirka Maaliyadda, Wasiir ku-xigeenka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda kaga codsaday in Dirayskaa oo ka koobnaa 14 Sed (kol-xidhasho), waxaana Warqaddaas ogaysiin lagu siiyey Taliyaha Ciidammada Booliiska Somaliland.

Warqad taasi la mid ah oo ka soo baxday Wasaaradda Maaliyadda isla-markaana uu ku saxeexan yahay Agaasimihii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Cabdi Gurxan, ayaa Maamulaha Kastamka Saylac waxa lagu amray inuu soo daayo dirayskaasi, waxaana qayb ka mid ah Warqaddaasi lagu yidh “Waxa la idin farayaa inaad soo deysaan Direyska yaalla kastamka Saylac, Annaga oo halkan idiinku soo lifaaqnay Qoraalka Hoggaanka Ciidanka oo faahfaahsan..”

Waraaqahaasi ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda iyo Taliska Ciidammada Qaranku may noqonin kuwa shaqeeya, laakiin Ciidammadu way xidheen, illaa haddana lama oga in la siidaayey iyo in kale.

Arrintan ayaa 12-kii Saacadood ee u dambeeyay waxa aad loogu hadal-hayey Baraha Internet-ka ee Bulshadu ku wada xidhiidho.

 

 

Horn Cable Tv