Nigeria: Wasiir Baarlamaanka Ku Wargeliyey Dad Sabaayad Ka Dalbada London

Abuja, (HCTV) – Wasiirka Beeraha dalka Nigeria, Audu Ogbeh oo hor-tagay guddi ka tirsan Aqalka Baarlamaanka Nigeria, ayaa ka hadlay isticmaalka wax-soosaarka dalkiisa halka ay shacabku ka taagan yihiin.

Waxaanu Wasiirku ka dayriyey dabeecado cusub oo ay lasoo baxeen qaar ka mid ah dabaqabadaha sare ee shacabka dalkaasi Nigeria, kuwaas oo cunooyinka fudud sida Casho ama Quraac ka dalbada wadanka Igiriiska oo dabadeedna inta diyaaradd loo soo saaro ka doonta garoomada diyaaradaha dalka Nigeria.

Wasiirka Beeraha Nigeria isagoo arimahaasi u sharaxaya Baarlamaanka dalkaasi ayaa waxa uu yidhi “Miyaad ogtihiin inay jiraan dad reer Nigeria ah oo Telefoonadooda u isticmaala inay Biisa (PIZZA) Ka iibsadaan Magaalada London kadibna kala soo dega Garoonada Diyaaradaha?” ayuu yidhi Wasiirka Beeraha ee dalka Nigeria Mr Audu Ogbeh oo Baarlamanka la hadlayay.

Isagoo hadalkiisa sii watana waxaa uu sheegay “Waxaa soo qaadda oo subaxii keenta Diyaaradda British Airways, waa xaalad aad loo dhibsado ama looga cadhoodo, waa in aynu si dhakhso ah u joojino waxyaabahaasi” ayuu yidhi wasiir Ogbeh.

Wasiirku waxa uu sheegay in Nigeria ay dedaal ugu jirto inay joojiso ku tiirsanaanta waxyaabaha laga soo dhoofiyo dibadda, balse waxaa uu ka dayriyay in dabaqadaha nolosha ee dalkaasi ay ku tartamayaan in qaarkood ay ku faanaan inay cunaan waxyaabo dibadda laga keenay.

https://www.youtube.com/watch?v=hBsObBMJXWY

https://www.businessinsider.com/nigerians-order-pizza-in-london-british-airways-delivers-audu-ogbeh-2019-4?utm_content=buffer0c503&utm_medium=social&utm_source=facebook.com&utm_campaign=buffer-bi&fbclid=IwAR0G9kpzf8lT6qg6f1uMm2KSFVaWD5-DTM0gNnMYDyPFtzzXx7RY3ezUETg

Horn Cable TV,

Waaxda Online-ka