Ninka Ugu Taajirsan Afrika oo lacag Badan Lasoo Baxay, Si uu u Daawado.

Related image

Axad.7-April-2019 (HCTV)-Aliko Dangote,oo loo aqoonsan Yahay Ninka ugu Maal-qabeensan Qaaradda Afrika, ayaa Meel fagaare ah ka sheegay inuu mar Noloshiisa ka mid ah, uu lacag badan kalasoo baxay Bangi ay u taalay, kadib uu dhigtay gurigiisa, isagoo uga jeeday oo kaliya inuu sheedda ka daawado, ilsa markaana uu xaqiiqsado inuu lacag leeyahay.

” Markaad Bilawdo Ganacsiga, Bartilmaameedkaaga koobaad  wuxuu noqonayaa Inaad Gaadho Hal-Milnyan, hagaag waan sameeyay taas, intaas kadib se, tirada lacagtu Micno kuuma samaynayso” ayuu yidhi Aliko Dangote.

waa sii hadlay waxaana uu yidhi yidhi ” Maanta waxaan Haystaa in ka badan 12 bilyan oo Doolar, Balse Waa Tiro Warqado ku qoran micno ma samaynayso.
intii ay sahlanaayeen Sharuucda Bangiyadu ayaan tagay Bangi, kadib waxaa qoray jeeg ay kula baxay $10 Milyan, waxaan ku guray xaanadda dambe ee baabuurkayga, kadibna waxaan la tagay qolkayga si aan u daawado, Markii aan Furay ee aan arkay 10-kii Milyan, Markaasaan xaqiiqsaday in aan maalqabeen ahay.
maalintii xigtayna waxaan dib ugu celiyay Bangiga” ayuu yidhi Mr.Aliko.

Maalqabeenkani la Rumaysan yahay inuu yahay Taajirka Afrika,ayaa hadalkani ka sheegay isagoo ku sugan shir ka dhacay Magaalada Abidjan ee wadanka Ivory Coast.

Aliko Dangote, oo ah 61 jir ku dhashay Magaalad Kanu ee wadanka Nigeria, ayaa hantidiisa lagu qiyaasay in ka badan 12 Bilyan oo Doolar, waxaana uu leeyahay warshado badan oo soo saara Sibidhka iyo daqiiqda, waxaa kale oo uu Maalgalin ku leeyahay Dalalka Qaaradda Afrika.

Hadalkiisu wuxuu u muuqdaa inuu shaki ka galay, lahaanshaha lacagta Balaayiinta ah ee bangiyada ceegaagta, oo aan gacantiisaba ku jirin marka laga tago tirooyin warqado ku qoran oo muuujinaya xadiga lacagta u taala bangiyada, taasi oo keentay inuu hubsado lahaanshaha Maalkiisa.

 

HORN CABLE TV

Cabdishakuur Dayib

Waaxda Online-ka