Raysal-wasaaraha Isreal Oo Ololaha Doorashada Ku Galay Inuu Dhul Cusub Ka Qabsanayo Falastiin

Raysal-wasaaraha Isreal Oo Ololaha Doorashada Ku Galay Inuu Dhul Cusub Ka Qabsanayo Falastiin

Dugsi Cusub Oo Laga Dhagax Dhigay Magaalada Hargeisa
Puntland Oo Wada-hadallo Diyaar Ula Ah Somaliland (Akhri)
Heesaa Caan Ah Oo Ku Geeriyooday Saldhig Bileys
Warbaahinta Caalamku Siday Uga Hadashay Geerida Xaajigii Ugu Da’da Weynaa Somaliland
Xaaska Madaxweynaha Maraykanka Oo Ku Wajahan Qaarada Afrika.

Tel Aviv (HCTV) – Raysal-wasaaraha Dawladda Isreal Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu deegaamayn cusub ka samayn doono Daanta galbeed ee Dhulka Falastiiniyiinta ee Isreal xoogga ku haysato, hadduu mar kale ku guulaysto doorashada.

Raysal-wasaaraha Isreal ayaa hadalka ku sheegay Waraysi uu siiyey Telefiishanka Channel 12 News Sabtidii Shalay, waxaanu hadalkani ku soo beegmaya saddex Maalmood ka hor, doorashada oo ku began 9 Aprill, 2019.

Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa sheegtay in Raysal-wasaare Benjamin Netanyahu la waydiiyey sababta Isreal sidaa u yeeli wayday imika ka hor, maaddaama oo ay bariga Quddus haysatay muddo dheer, dagaalkii 1967-kiina ku qabsatay Buuralayda Golan Heights iyadoon Dalalka Adduunku u aqoonsanyn inay leedahay, waxaase uu sheegay inay arrintan ka hadlayeen, imikana uu doonayo inuu Isreal ballaadhiyo “Waxaan doonayaa inaan ballaadhiyo Maamulka Isreal..”ayuu yidhi.

Inta uu hayo Talada Isreal Raysal-wasaare  Benjamin Netanyahu, ayaa waxa Madaxweynaha Maraykanka  Donald Trump wuxuu Magaalada Quddus u aqoonsaday Caasimadda Isreal.

 

Horn Cable Tv

 

 

COMMENTS

%d bloggers like this: