Raysal-wasaaraha Isreal Oo Ololaha Doorashada Ku Galay Inuu Dhul Cusub Ka Qabsanayo Falastiin

Tel Aviv (HCTV) – Raysal-wasaaraha Dawladda Isreal Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu deegaamayn cusub ka samayn doono Daanta galbeed ee Dhulka Falastiiniyiinta ee Isreal xoogga ku haysato, hadduu mar kale ku guulaysto doorashada.

Raysal-wasaaraha Isreal ayaa hadalka ku sheegay Waraysi uu siiyey Telefiishanka Channel 12 News Sabtidii Shalay, waxaanu hadalkani ku soo beegmaya saddex Maalmood ka hor, doorashada oo ku began 9 Aprill, 2019.

Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa sheegtay in Raysal-wasaare Benjamin Netanyahu la waydiiyey sababta Isreal sidaa u yeeli wayday imika ka hor, maaddaama oo ay bariga Quddus haysatay muddo dheer, dagaalkii 1967-kiina ku qabsatay Buuralayda Golan Heights iyadoon Dalalka Adduunku u aqoonsanyn inay leedahay, waxaase uu sheegay inay arrintan ka hadlayeen, imikana uu doonayo inuu Isreal ballaadhiyo “Waxaan doonayaa inaan ballaadhiyo Maamulka Isreal..”ayuu yidhi.

Inta uu hayo Talada Isreal Raysal-wasaare  Benjamin Netanyahu, ayaa waxa Madaxweynaha Maraykanka  Donald Trump wuxuu Magaalada Quddus u aqoonsaday Caasimadda Isreal.

 

Horn Cable Tv