Sudan Iyo Qatar Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Eedo Uga Yimid Eritrea

Khartoum, (HCTV) – Sudan iyo Qatar ayaa gaashaanka ku dhuftay eedo ay u soo jeedisay dawlada Eritrea, taas oo labadaasi dal ee Sudan iyo Qadar oo uu ku jiro Turkigu ku eedaysay inay ku hawlan yihiin talaabooyin ka dhan ah Eritrea iyo taageero ay siiyaan jabhad iyo kooxo Eritrean ah oo ku sugan Sudan.

Dawlada Qatar ayaa iyadu soo saartay qoraal ay gaashaanka ugu daruurayso war-saxaafadeedka ka soo baxay dalka Eritrea ee ku eedaynaya in saddex dal ay ku hawlan yihiin dibin daabyada dalka Eritrea, gaar ahaana Qatar oo lagu eedeeyey inay maalgaliso Jabhada ka dagaalanta Eritrea, Taliska ka jira Sudana uu dhulkiisa u ogolaaday Jabhadaasi.

Qoraalka jawaabta ah ee ka soo baxay dalka Qatar ayaa waxa gacanta laga galiyey Cali Ibraahim Axmed Al Eqqud, oo ah Safiirka Eritrea u fadhiya dalka Qatar, kaas oo Qadar ay iskaga baraxayso eedaha Eritrea u jeedisay.

Safiirka Eritrea u fadhiya Qatar ayaan wax xidhiidh ah la lahayn dalkiisa Eritrea saddex sadexdii sanadood ee u dambaysay kadib markii uu diiday inuu ku noqdo Eritrea, isagoo ka cabsi qaba in la xidho.

Waxaana jirtay tiro diblomaasiyiin ah oo looga yeedhay Eritea si kulan loola yeesho oo la xidhay, halka kuwo kalena ay iskagaba tageen shaqadii ay dibada uga hayeen Eritrea isla markaana dalalkii ay joogeen ka dalbaday magangalyo iyagoo ka cabsi qaba in dhibaato la gaadhsiiyo hadii ay Eritrea ku noqdaan.

Waxaana ilo ku dhow dawlada Eritrea ay sheegeen in dawlada Eritrea aanay aaminsanaynba ambassador Cali Ibraahim, iyo in aan xilkaba laga qaadin markii uu diiday inoo soo noqdo isagoo ka cabsiqaba in lagu sameeyo bahdilaad.

Safiirkan ayaa ka mid ah safiirada ugu khibrada badan ee ku sugan Qatar, hase yeeshee hawlihiisa shaqo ayaa gaabis noqday tan iyo intii xidhiidhka ka dhexeeya isaga iyo dawladiisu ay sii naaqusmeen.

Dhinaca kale Wasaarada Arimaha Dibada Sudan oo iyaduna war qoraal ah ka soo saartay eedaha dalka Eritrea ayaa wax lala yaabo ku tilmaantay eedahaasi ‘In Shirqool ka dhan ah Eritrea laga soo maleegayo dhulka Sudan’, si loogu waxyeeleeyo dedaalada horumarineed ee ka socda Geeska Afrika, gaar ahaana xidhiidhka Eritrean-ka iyo Ethiopian-ka.

Dawlada Sudan waxa kale oo ay sheegtay in aanu jirin wax kulan ah oo Khartuum ay ku yeesheen kooxaha Eritrean-ka ah ee lagu xusay war-saxaafadeedka, waxaana Sudan ay intaasi ku datay inay mudo dheer naawilaysay Is-faham iyo heshiis dhex mara labada dal ee Ethiopia iyo Eritrea.

War-Saxaafadeedka ay Eritrea soo saartay dhawr maalmood ka hor ayaa lagu sheegay in kooxda Eritreanka ah ee lagu magacaabo (Eritrean Muslim Ulema) ay kulan ku yeesheen khartuum.

Horn Cable TV.

Waaxda Online-ka