Diblomaasiyiin Cabiray Dareenka Socdaal Ay Ku Yimaadeen Somaliland.

Hargeysa, (HCTV) – Caasimadda  Somaliland waxa  socdaal ku yimaada todobaad kasta dad tiro badan oo Ajnabi ah oo u yimaada somaliland shaqooyin iyo hawlo kala gadisan, kuwaas oo baasaaboorada ay ku yimaadaan Somaliland loogu dhufto fiisaha Somaliland iyo mudada ay dalka joogayaanba.

Hadaba dadkan ajnabiga ah ayaa intii ay ku sugnaayeen Somaliland iyo waxyaalihii ay ku arkeen ka dareen ciliyey, iyagoo aragtiyahooda ku cabira dalkan aan la aqoonsan ee Somaliland amaanka uu haysto iyo xasiloonida, furfurnaanta shacabka Somaliland uu illaahay ku manaystay.

Inta badana ku soo bandhiga Baraha bulshada ee Twitter-ku ka mid yahay.

Hadaba bal hadii aynu soo qaadano sida ay dadkani u cabireen wixii ay ku arkeen Somaliland oo qaar ka mid ahi ay sawiro ku galeen suuqyada magaalada Hargeysa oo ay ka socoto ganacsi iyo wax kala iibsiga shacabku siday tahay. Ugu horayn Patrick Heinisch ayaa 5-tii bishii April 2019 ee todobaadkan qoraal uu soo bandhigay Barta uu ku leeyahay Twitter-ka waxa uu yidhi “Markii aan booqday Hargeysa sanadkii la soo dhaafay, waxaan u baahday Fiisaha (Visa) Jamhuuriyada Somaliland.  Aniga oo sitay fiisaha Somalia.

Tani waa mid aan la badali karin oo cadayn u ah in Somaliland Madaxbanaan tahay, kana duwan tahay Somalia,” ayuu yidhi Patrick Heinisch.

Sidoo kale Chris Weigold oo u dashay dalka Ingiriiska oo isaguna socdaal ku yimid Somaliland isla shantii bishan April 2019.

Waxaanu Mr Chris Weigold ayaa isaguna sheegay in uu hada soo gaadhay hoygiisa cusub, oo uu la yaabay Somaliand oo aad u qurux badan.

Dhinaca kale Tariq Abbasi oo isagana sitay Baasaaboor Diplomasi ah oo loo Fiiseeyey Baasaaboorkiisa, loona ogolaaday inu Somaliland soo galo ayaa barta Twitterka uu ku leeyahay qoran “Somaliland waa wadan si balaadhan u nabdoon, dad aad la dhacaysid iyo safar dhakhso ah oo aanu ku tagay Hargeysa iyo Berbera,”.

Si kastaba ha ahaatee tan iyo intii Somaliland ay la soo noqotay madaxbanaanida, waxa sanadihii ugu dambeeyey soo kordhayey dalxiisayaasha aduunka ee socdaalka ku imanayey Somaliland si ay wax badan uga ogaadaan Jamhuuriyada Somaliland.

Waxaana dad Ajnabiga ah ee Somaliland yimaadaa inta badan ay booqdaan goobaha dalxiiska ah ee Somaliland ay caanka ku tahay sida Dhaqaxaanta Laasgeel oo ah Aasaar qadimiihi ah oo muujiya dadkii halkaasi ku noolaan jiray 1,000 sano ka hor iyo farshaxanadii ay ku xardheen.

Waaxda Online-ka Ee HCTV