Somaliland Oo Ka Qayb-galay Shir Kulmiyey 138 Dawladood

Dubai (HCTV) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland, Md. Axmed Muumin Seed ayaa ka qayb-galay Shir Caalami ah oo ka dhacay Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, kaasi oo kulmiyey 138.

Shirkan oo lagaga hadlayey Arrimo badan oo ay ka mid yihiin Ganacsiga, Horumarinta Xoolaha iyo Kobcinta Wax soo-saarka Beeraha si Dalalka Adduunku u gaadhaan isu-filaansho dhanka cuntada ah ayaa Dawladda Somaliland oo lagu marti-qaaday waxa uga qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Md. Axmed Muumin Seed iyo Masuuliyiin uu ka mid yahay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka oo ka soo shaqeeyay Marti-qaadka Somaliland kaga qayb-gashay Shirkaasi.

Ka Sakow, ka qayb-galka Shirka oo si Maamuus leh loogu soo dhaweeyay, waxa Weftiga Somaliland ee uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha waxa Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Dubai ka qaaday gaadiid gaar ah oo Dawladda Imaaraadku u sii diyaarisay.

Shirkan ayaa muddadii uu socday waxa si weyn loogu lafo-guray siyaalaha ugu wanaagsan ee loo kor loogu qaadi karo Wax soo-saarka Beeraha, taasi oo Somaliland muhiim u ah, Horumarinta Xoolaha nool iyo dhiiri-gelinta noocyada kala duwan ee Ganacsiga.

Waxa xusid mudan, in Shirkan uu ka qayb-galay Madaxweynaha Dalka Nigeria, Muhamadu Buhari.

 

Horn Cable Tv