Isreal: 47 Xisbi Oo Tartamaya Iyo Netanyahu Oo Markii 5-aad Xil Raadis Ah

Tel Aviv (HCTV) – Shacabka Isreal ayaa codkooda ka dhiibanaya Doorashada guud ee Dalkaasi oo noqonaysa tii ugu xasaasisanayd doorashooyinkii dalkaa ka dhacay Sannadihii u dambeeyay.

Raysal-wasaare Benjamin Netanyahu oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Midigta fog ee Likud, ayaa markii shanaad raadinaya inuu noqdo Hoggaamiyaha Dawladda Isreal, laakiin wuxuu waajahayaa eedaymo Musuqmaasuq iyo tartan adag oo kaga imanaya Taliyihii hore ee Ciidammada Milletariga Isreal, Benny Gantz.

Mr. Gantz ayaa Raysal-wasaare Netanyahu culays ku saaraya isla-markaana kaga ololaystay Arrimo la xidhiidha Amniga Isreal iyo Ballan-qaadyo siyaasadeed oo uu Netanyahu hore u sameeyay oo aan fulin.

Xisbiga Shaqaalaha ee Isreal oo Wada-hadallo nabadeed la furay Falastiiniyiinta sannadkii 1990-kii ayaa sanadihii u dambeeyay luminayey taageero uu arrintaa kaga helayey Shacabka Isreal.

Maxay Sheegaysaa Saadaashu ?

Isreal, Xisbina weligii kuma wada guulaysan Kuraasta Baarlamaanka oo ka kooban 120 Kursi, inta badana Dawladda Isreal loo dhiso Doorashooyinka ka dib waa isbahaysi.

Sidaasi darteed, hadba sida ay noqoto Natiijada Doorashadan oo la filayo inay soo baxo Caawa Tobanka Fiidnimo, waxa bilaabi doona Wada-xaajoodyo go’aan lagaga gaadhayo Arrintaasi, si haddii Xisbina ay aqlabiyaddu u raaci waydo loo soo dhiso Xukuumad midnimo Qaran ah.

Faahfaahin

Doorashada oo ay isku diwaangeliyeen 6.3 Milyan Qof ayaa waxa ololaheedu socday muddo Saddex Bilood ah.

Doorashada waxa ka qayb-qaadanaya 47 Xisbi Siyaasadeed oo ka dhisan Dalka Isreal.

Waxaana lagu tartamayaa 120 kursi oo Kuwa Baarlamaanka ah.

Guddoomiyaha Xisbigiisu helo Kuraasta ugu badan ee Baarlamaanka ayaa noqonaya Raysal-wasaaraha Isreal, haddiise Xisbiyadu isku barbar-dhacaan ama tiro yar is dheeraadaan waxa la soo dhisayaa Xukuumad Midnimo Qaran ah, waxaana Raysal-wasaare noqonaya Guddoomiyaha Xisbigiisu ugu kuraas badan yahay tiro ahaan.

 

Horn Cable Tv