Somaliland: Tirada Dhakhaatiir Ajaanib Ah Oo La Mastaafurinayo

Hargeysa (HCTV) – Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa Dalka ka Mastaafurinaysa Dad Ajaanib ah oo Dhakhtarnimo kaga shaqaynayey Degaannada Somaliland.

Dadkan oo ka badan Lixdan ayaa ka mid ah 130 Dhakhaatiir Ajaanib ah oo siyaalo kala duwan uga shaqaynayey Somaliland, balse baadhitaan Wasaaradda Caafimaadku ku samaysay ayay ku ogaatay in in ka badan Lixdan Qof  oo Ajaanib ahi aanay haysanin Shahaadooyinkii caddaynayey Xirfaddii dhakhtarnimo ee Dalka kaga shaqaysanayeen, waxayna markaa ka dib, Go’aan ku gaadhay in Dalka laga Masfaaturiyo, sida uu sheegay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr. Axmed Cabdi Xergeeye.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Xergeeye oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Wasaaradda Caafimaadka oo gudanaysa waajibaadkeeda shaqo waxay bilowday inay daba-gal iyo qiimayn ku samayso dhakhaatiir badan oo Ajaanib ah oo Waddanka ka shaqeeya. Arrintaa waxa Wasaaradda u qaabilsan Ururka Mihnadleyaasha Caafimaadka, waxay soo sameeyeen qiimayn dhamaystiran oo ah 130 dhakhtar oo ka hawl-gala guud ahaan Dalka oo dhan.”

Agaasimuhu wuxuu sheegay in Guddiga Mihnadleyaasha Caafimaadku soo jeediyeen in 130-kana Dalka laga Mastaafuriyo, balse maaddaama oo ay jirto baahi dhanka Dhakhaatiirta Caafimaadka ah, loo saaray Guddi sii kala xusha Dhakhaatiirka Ajaanibka ah “Guddiga Mihladleyaasha Caafimaadku waxay soo jeediyeen maaddaama oo aanay ruqsad haysan in waddanka laga saaro, dabadeedna waxa loo saaray guddi ka kooban 7 Dhakhtar oo ah Muwaadiniinteena, waxayna baadhitaan ku sameeyeen 130-kii dhakhtar ee Ajaanibka ahaa, waxayna soo ogaadeen in dhowr iyo Lixdan ka mid ah 130 dhakhtarkii aanay haysanin shahaadooyinkii iyo Xirfaddii looga baahnaa inay Dalka kaga shaqeeyaan. Wasaaradda Caafimaadku iyadoo ka duulaysa Xogtaa dhabta ah ee ay heshay waxay go’aan ku gaadhay in dhakhaatiirta aan lahayn Xirfadda ay ku shaqeeyaan ee Ajaanibka ah inay Dalka ka baxaan.”ayuu yidhi.

Horn Cable Tv