Danjiraha Kuuriya oo Gudbiyay Warqadihiisa Safiirnimo ee Soomaaliya.

Image may contain: 3 people, people standing and suit

War Qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in  Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyre Cabdi, uu warqadaha aqoonsiga ee danjiranimo ka  guddoomay maanta Mudane Choi Yeonghan, Safiirka Jamhuuriyadda Kuuriya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intii qaabilaadda lagu guda-jiray, Wasiiru dowle Cabdulqaadir iyo Danjire Choi waxa ay ka wada hadleen xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya iyo qaabkii lagu xoojin lahaa, laguna horumarin lahaa iskaashi dhinacyo badan leh.

Kuuriyada Koofureed ayaa ka mid ah Wadamada ugu caansan dunida ee soo saara Agabka Tiknoologiyadda ee dunida.

 

HORN CABLE TV

Waaxda Onlineka

Image may contain: 2 people, people sitting, living room and indoor