Dawladda Kanada Oo Ka Hadashay Haween Lagu Xidhay Hargeysa

Hargeysa (HCTV) – Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxa lagu xidhay laba Qof oo haysta Dhalashada dalka Kanada.

Warbaahin Magaceedu yahay www.theglobeandmail.com ayaa baahisay in Ciidammada amniga ee Somaliland xidheen laba Qof oo Dumar ah.

“Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kanada way ku baraarugsan tahay in laba Muwaadiniinta Kanada ah lagu xidhay Soomaaliya..” ayuu yidhi, John Babcock oo u hadlay Wasaaradda Arrimaha dibedda Kanada, waxaanu intaa ku daray in dublimaasiyiinta ku sugan Qunsuliyadda Kanada ee Magaalada Nairobi ay xidiidh la sameeyeen Madaxda Somaliland, si ay xog dheeraad ah uga helaan xadhigga labada Qof ee haysta dhalashada Dalka Kanada ee xidhan, balse xog intaa ka badan ma siidaynin Dawladda Kanada.

Hasa-yeeshee, Jason Jeremias oo Madax ka ah urur u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Aadamaha ayaa Warbaahinta Warkan daabacday u sheegay in Dadka Somaliland xidhay yihiin laba Dumar ah, kuwaasi oo Magacyadoodu kala yihiin Maymuuna Cabdi Iyo Karima Watts Cumar, waxaanu sheegay in labada dumar ah la xidhay bishii January ee sannadkan, laakiin ma sheegin in la sii daayey iyo in kale.

Labadan Dumarka ah ee haysta dhalashada Dalka Kanada ayaa Warku sheegay in lagu xidhay Saldhigga Booliiska ee Degmada Ibraahim Kood-buur ee Magaalada Hargeysa.

Haweenay Saddexaad oo haysatay dhalashada Dalka Ingiriiska isla-markaana mar lala xidhay labadan Dumarka ayaa la siidaayey, siday baahisay Warbaahinta uu Horn Cable Tv Warkan ka soo xigtay.

Warku ma sheegin Sababta loo xidhay Haweenkan iyo in la siidaayey midna, Somaliland-na kama hadal xadhigga Dumarkaasi.

 

Horn Cable Tv