Ethiopia Oo Awaamiir Dul Dhigtay Khamriga Iyo Sigaarka.

Addis Ababa, (HCTV) – Dawladda Ethiopia ayaa gabi ahaanba mamnuucday dhamaan xayaysiisyada ku saabsan cabitaanka Khamriga, waxaana dawladu sheegtay in arintani ay qayb ka tahay dedaalo kor loogu qaadayo Caafimaadka nolosha dalalka Bariga Afrika.

“Marka laga yimaado xayiraada ka ganacsiga khamriga la cabo, khamaarka iyo khamriga iyo in boodhadhka lagu xayeysiiyo khamriga la cabo, dhamaantoodba waxa lagu mamnuuc digreetadan,” sidaasi waxa sheegay Wasiirka Caafimaadka dalka Ethiopia Amir Aman oo la hadlayey warbaahinta.

Xayiraadahan ku wajahan khamrigu waay soo baxeen kadib markii ay dawladu goobaha dadweynaha iyo xafiisyada dawlada ay ka joojisay cabitaanka Sigaarka. iyadoo bishii February soo saartay in ay mamnuuc tahay in Khamriga laga iibiyo wax ka yar 21 jir.

Wasiirka Caafimaadka Ethiopia wuxuu kula taliyay kuwa xayaysiiya Khamriga la cabo iyo Warbaahintuba inay u diyaargaroobaan sidii loo dhaqan galin lahaa sharcigan cusub oo kama dambaysta 29-ka May saamayn doona cid kasta.

Hase yeeshee Sharciga cusub ee ay ku badashay kaa hore ayaa sheegaya in cidii xayaysiisa Khamriga uu dhigayo in marka koowaad loo digo sida saxda oo qoraal iyo codba loogu digo iyo in ay sharci daro tahay in laga iibiyo qof da’diisu ka yartahay 18 jir.

Sidoo kale waxa uu sharcigan cusub uu mamnuucayaa in wax khamriya lagu iibiyo goobaha caafimaadka, waxbarashada, Jaamacadaha iyo Colleges-ka, Xafiisyada dawlada, goobaha wax lagu caabudo, goobaha ciyaaraha, goobaha Masraxyada ah ee wax lagu daawado.

Waaxda Online-ka Ee HCTV